Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Somaliyeey Sii Jeeso Ama Soo Jeeso .. Kenya Oo Shaacisay In Laga Wada Hadlay Muranka Bada Xalna Laga Gaaray

Wednesday - March 6, 2019


Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa Maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Kenya,waxaana kulankaas Madaxtooyada Soomaaliya ay shaacisay in looga hadlay xalinta khilaafka diblumaasiyadeed, isla markaana xal laga gaaray, lamase garanaayo in dacwadi maxkamada hakad la galinaayo iyo in kale taaso ahayd mid dawlada Kenya dalbatay

Hayeeshee Warbaahinta Kenya ayaa waxaa ay qorayaan war ka duwan kan kasoo baxay Villa Somalia, waxaana The Star lagu qoray in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimo la xiriira muranka Badda,isla markaana uu gar wadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale war lagu daabacay capitalfm ayaa lagu sheegay in kulanka labada Madaxweyne intiisa badan diirada lagu saaray arrimo la xiriira muranka badda ee u dhaxeeya labada dowladood,isla markaana lagu balamay in si hoose loo xaliyo.

Inta uu shirka socday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa labada Madaxweyne ka dalbaday inay ogolaadaan ka Shaqeynta nabada si looga gudbo khilaafka u dhaxeeya labada dowladood.

Ka hor kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya,waxaana kulan gaar ah Addis Ababa ku qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaraha Itoobiya,iyaga ku heshiiyey Afara qodob oo kala ah Xoojinta nabadda iyo amniga gobolka iyo heshiisyada horay loo saxiixay.