Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 23 August 2019

Xasuus Iyo Taariikh .. Qisadi Suufi Al-Xalaaj Iyo Sida Jirkiisi Loo Waslad Wasladeyey Haddana Inta La Isu Aruuriyey La Gubay

Sunday - March 24, 2019




Erayga ”Suufi” af ahaan macnihiisa dhabta ah haba yaraatee la isku ma raacsana .. Dad baa yiri waa magac laga soo qaatay marada suufka ah oo ay niman Alle ka cabsi badani xiran jireen .. Dad kale waxa ay yiraahdeen waxaa laga wadaa qofka suufiga ah oo ay qalbigiisa iyo qof-nimadiisa oo dhami sida suufka nadiif yihiin oo debecsan yihiin .. Dad ayaa yiraahda Suufi-nimadu waa heer ruuxaaneyeed oo Qofku ku gaaro dadaal aad u badan oo ah alle jaceyl, cibaadeysi iyo nolosha muuqata oo qiimaheeda la yareeyo, markaas ayaa qofka loo fura asraar iyo fahan dadka kale ka daahsoon .. Dad kale waxa ay ku macneeyeen qofka ilaahay isu dhiibay oo lagu matalayo calal suuf ah oo dabayshu wadato. Laakiin run ahaantii macne dhab ah suufi-nimada illa hadda loo ma hayo.

Xuseen Mansuur al-Xalaaj, wuxuu ahaa wadaad sheegtay Suufi oo ku noola magaalada Baqdaad, wuxuu ahaa qoraa-weyn, quraankana qaybay oo diin barasho iyo cibaadeysi u go'ay, waxaa kalo lagu yiqiin inu galo safaro badan oo dibada ah, gaar ahaan wuxuu socdaalo ku tagi jiray dalka Hindiya iyo aasiyada dhexe qaarkeed

Al-Xalaaj wuxuu socdaba ugu dambeyn waxuu sheegtay wali-nimo isaga oo la soo baxay dabeecado iyo dhaqan aan caadi ahayn, waxa uuna sameeyay falal ka baxsan awoodda dabiiciga ah ee dadka, dabadeed waxaa ka daba dhacay oo raacay dad aad u badan .. Al-Xalaaj kolkii uu caan-baxay waxa uu yeeshay cadow badan oo ay niman wadaaddo ahi ugu horreeyaan iyo markii dambe wasiiro dawladdi Cabaasiyiinta ka mid ahaa, taaso keentay in eedo badan dusha laga saaro oo fikirkiisi diineed meel loo raaco la waayey .. xiligaas waxaa jiray fikiro kulul loo kala miirmay oo lagu loolamaayey sida Sunni, Shiici, Muctasil, Raafidi, Qaraamidi, Raafidi, Suufi iyo qaar kale. 

Saddex arrimood baase ugu waaweynaa waxa eedeyntiisa loo cuskaday .. Tan hore waa masalooyin diineed oo la sheegay in uu si gurracan uga fatwooday taas oo keentay in ay wadaaddo kale isku dhacaan, isaga oo haddana marka lala doodo ku hadlaya luqadda maldahan ee suufiyada oo aan la fahmayn .. Tan labaadna waa culimada qaarkood oo ku diidanaa dhaqanka iyo falalka goor kasta laga soo sheegayo ee indha-sarcaadka ah oo loo arkay wax uu dadka caammada ah diinta kaga fasahaadinayo. Tan saddexaadna waa iyada oo lagu tuhmay in uu abaabulayo kacdoon siyaasadeed oo dawladda lagu ridayo.

Qisooyinka ay dadka ninkaa necbaa ka sheegeen ee aadka u shaacay waxaa ka mid ah dhaqankiisu in aanu wadaad-nimo ahayn ee ahaa falallow-nimo uu ku talaxtegay, waxaa lagu sheegay in socdaaladiisa badan gaar ahaan dalka hindiya u ku soo bartay Sixirka indha-sarcaadka oo nin la socday ayuu ku yiri Naagtaan Indha-sarcaadka sameysa darteed baan Hindiya u imid .. Waxaa la yiri dhulka inta uu yara qodo ayuu biyo ka keeni jiray, haddana inta uu meel kale qodo raashin ay xertiisu ka dheregto ka soo saari jiray, marka uu doonana khudrad aan xilligii ay bixi jirtay la joogin buu keeni jiray. waxaas iyo wax la mid ah oo uu sameeyo ayuu ku sheegi jiray karaamo uu wali-nnimo ku helay dadka raacayna ugu khushuuci jireen, marki dambana wuxuuba la yimid sheekada " Xuluul" oo ah in ilaahay qofka dhex gali karo oo isagu ka dhex hadlaayo.
.
Xilligaas Baqdaad oo ahayd xarunta Dawladda Islaamka mad-habaha Sunnigu dawladda waa ay u sinnaayeen, waxaana heshiis lagu ahaa in la wada shaqeeyo oo fatwada la soo wada saaro, maxkamadahana la wada fariisto. Laakiin arrinka Al-Xalaaj qaaddiyadu waa ay isku khilaafeen, kuwii Shaaficiyada iyo Xanbaliyada ayaana diiday in gaalnimo lagu xukumo, waxayna qiil ka dhigteen in nin tukada xajiya oo sooma aan la oran karin waa gaal. Laakiin kuwa Maalikiyada oo iyagu arrimaha caqiidada ku kakan, iyo wasiir dawlihi boqorka oo al-Xalaaj colaadinayay ayaa ka hari-waayay, ilaa ay gaartay boqorkii Muqtadir Billaah. Gaar ahaan arrinka waxaa dhanka dawladda u riixay iyada oo dhaqdhaqaaqa al-Xalaaj siyaasad laga dhex arkayay, ka dib markii xitaa ay boqorka hooyadii ku biirtay.

Ugu Dambeyn kolkii al-Xalaaj dacwad maxkamadeed lagu oogay Shaaficiyiintu waa ay ka baxeen. Laakiin wadaaddadii ay Xalaaj aadka isu diideen oo uu ugu horreeyo Qaaddi la oran jiray Maxamed Daa’uud ayaa god walba ugu galay, iyo wasiirkii dawladda oo isagana lagu magacaabi jiray Xaamid Cabbaas .. Wasiirku inta uu maxkamadda yimid ayuu aad uga shaqeeyay Xalaaj in dil lagu xukumo. Maxkamaddu waxa ay dhegaysatay markhaatiyo badan oo foolxumooyin waaweyn Xalaaj ka sheegay, kuwaas oo qaarkood la malaynayo in ay wasiirka iyo wadaaddada raacsani soo abaabuleen. 

Markhaatiyadaa waxaa ka mid ahayd gabar uu Xalaaj soddog u ahaa oo ku eedaysay in uu mar damcay in uu faraxumeeyo, iyo inantiisu in ay iyada mar ku tiri: "U sujuud aabbahay." Iyaduna ugu jawaabtay: "Oo ma cid aan Ilaahay ahayn baa loo sujuudaa?!" Isagii oo maqlayayna yiri: "Haa. Ilaaha Samada iyo ilaaha Dhulka" Waxaa ka mid ahaa dad sheegay in uu u fatwooday haddii ay gudashada xajka awoodi waayaan in ay ku xajiyi karaan wax ay Xaramka u ekaysiiyaan oo ay aqal-kooda dhexdiisa ka dhistaan dabadeed ku dawaafaan, iyo haddii ay waxyaalo sameeyaan in laga dhaafayo waajibka Soonka, Salaadda iyo Xajka. Dad badan oo kale ayaa ka sheegay dhaqamo iyo falal yaab badan oo aan caqligu rumaysan karin sida in uu shimbir bakhti ah soo nooleeyay. Xitaa waxaa la gaarsiiyay in uu ilaahnimo sheegtay oo ay dadka rumaysani caabudaan.

Maalintii ay dacwaddu gunaanadka ahayd ayuu qaaddigii Xalaaj wax ka wayddiiyay fatwooyin qarriban oo laga soo sheegay xukunkooda meesha uu ka keenay? Xalaajna waxa uu isku difaacay axkaamtaa in uu ku arkay kitaabka Ikhlaaska ee Xasan al-Basri. Dabadeed qaaddigii baa ugu jawaabay: "Been baad sheegtay, dhiiggaagu waa xalaale, kitaabka Xasan ee Ikhlaaska Maka ayaannu ku maqallay oo waxaasi ku ma qorra." Dabadeed wasiirkii ayaa qaaddigii ku jeestay oo ku yiri: "Hadalka aad tiri ee ah "dhiggaagu waa xalaal warqadda ku qor!” Inta uu khadkii u soo qaaday ayuuna qaaddigii iyo nimankii kale ee maxkamadda fadhiyay ku cadaadiyay in ay hadalkaa warqadda ku qoraan .. Xalaaj isaguna intaa waxa uu ku cabanayaa in uu yahay nin muslin ah oo aan waxaa laga sheegayo shuqul ku lahayn sidaa darteed ay dulmiga ka daayaan. Laakiin sidii wasiirku doonayay bay noqotay oo hadalkii warqaddii baa lagu qoray, dabadeed wasiirkii baa la cararay oo boqor Muqtadir u geeyay isaga oo ku diraya oo leh: "Ninka arrinkiisu faraha ayuu ka baxay oo umaddii baa ku fidmowday ee wax ka qabo" Dabadeed boqorkii waxa uu soo saaray Xalaaj in Kun Shaabuug lagu dhufto, haddii uu intaa ku dhiman waayana kurka laga jaro. Waxa ay ahayd sannadkii 309 Hijriga una dhiganta 922 Miilaaddiga.

Waxaa la sheegay Xalaaj aroorta la dili doono habeenkeedii oo dhan in uu salaad iyo duco u taagnaa. Dabadeed subaxdii baa meel ay magaalada oo dhami ka daawanayso tiir lagu xiray. Maalin dhan buu askari xoog weyni shaabuug ku garaacayay, markii kunkii lagu dhuftayna in uu dhinto iska daaye ismaba beddelin. Dabadeed gacan baa laga gooyay, haddana lug baa laga gooyay, haddana gacantii kale, haddana lugtii kale, welina wuu dhiman la yahay, sida ay taariikh-yannadu isku wada raaceen. 

Muddadii ay ciqaabtu socotay waxaa lagu sheegay saddex maalmood iyo laba habeen. Waa kaa Xalaaj oo afartii dhaadheereyd go’an yihiin tiirka ka lalmada, welina wuu dhiman la' yahay. Intaana dikri iyo Quraan buu daldalayaa. Bulshadii magaalada ayaa dabadeed foolxumada ka argagaxday, waxaana bilawday gadood akhlaaqeed oo sida wax u socdaan diiddan. Dabadeed seef baa Xalaaj qoorta lagaga gooyay.

Jirkiisii la jarjaray inta la isu soo ururiyay baa la gubay, kolkii uu dambas noqdayna waxaa lagu sayray webiga Dajla. Laakiin madaxiisii lama gubin ee laba maalmood oo dambe ayuu ka lushay meel la suray oo buundada webiga ah. Markaa ka dib Baqdaad oo dhan waxaa la gaarsiiyay kutubtiisii in aan la iibsan karin lana gadi karin .. Kutubtiisiina sidaas ayay ku dabargo’day oo wax laga soo xigtay mooyee maanta mid qura laga ma hayo.

Sidaas ayay ku dhammaatay ninkaa yaabka leh qisadiisii xanuunka badnayd. Laakiin taariikhdiisii ma ay dhiman ee waxa ay ka mid noqotay kuwa dunida ugu caansan, waana dhif culimadii iyo taariikh-yahannadii hore cid aan wax ka qorini, xumaan iyo samaan mid uun. Ilaa maantana ninkaa arrintiisa waa la baaraa: dhan diineed, dhan taariikheed iyo dhan bani aadamnimo intaba. Laakiin sidii markii uu noolaa la isugu khilaafsanaa baa weli la isugu diiddan yahay. Dad baa u arka in uu ahaa wali barakaysan oo karaamooyin ka burqanayeen laakiin la afgaran waayay. Dad kalena waxa ay u arkaan in uu ahaa daaquud sheyddaanku fidmeeyay isaguna dadka fasahaadinayay.

hits Hits : 1492