Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

ILhaan Cumar Oo Gantaalki Ugu Weynaa Ku Dhufatay Danaha Qaranka Israaiil .. ILhaan Oo Markale Qarxisay Fandhaalada Lagu Futo-Futeysto Hantida Ameerika

Thursday - March 28, 2019



ILhaan Omar waxa ay noqotay qofka kaliya ee ku dhiirratay kuna dhacday inay sheegto arrin ay aad uga baqaan dadka siyaasiyiinta ah kuwa Bilyaneerada ah iyo weliba kuwa hoggaamiya diimaha.

Ilhaan ayaa waxa ay indhaha dadka Maraykan ku soo jeedisay in qarankooda si aan habboonayn looga masruufo Yuhuudda islamarkaana Israel ay danteeda dhexmarsato xildhibaanno lacago kasoo qaata ururka AIPAC (American Israel Public Affairs Committee) kaasi oo danaha Yuhuudda maraykanka uga fuliya.

Waxay Ku Tiiqtiiqsatay AIPAC ee Loo yaqaan Lobbying groups, xarunteeda tahay caasimada Washinto lana aasaasay 1963 waa urur aad u xoog badan una taagan ilaalinta iyo sarraynta dadka Yuhuudda ah iyaga oo kaashanaya Siyaasiyiinta Bilyanneerada, Sharikadaha waaweyn ee loo yaqaanno (Multinational Companies-ka) iyo weliba qaabaynta aragtida shacabka maraykan (American Public oppininon) ee ku aaddan jiritaanka qaranka Yuhuudda iyo ilaalintiisa, taasi oo AIPAC ka dhigtay ay tiri mid saameyn weyn ku leh jaangoynta siyaasadda maraykanka.

Haddaba Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaaliyad ah islamarkaana qaxoontinnimo ku gashay dalka maraykanka haatanna ah xildhibaan aqalka Congress-ka ah ayaa waxa ay qarxisay arrin siyaasiyiin badani ka baqanayeen sheegitaankiisa balse qalbigooda ku jiray, iyada oo carrabka ku dhufatay marar badan in qaranka maraykanku aanu ahayn meel laga naasnuujiyo waddamo gaar ah.

ILhaan Cumar ayaa waxa ay weerarro joogta ah kala kulantay hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Maraykanka Donald Trump kaasi oo Yuhuudda ugu adeega sida gobol ka tirsan Maraykanka, waxaana uu Ilhaan ku tilmaamay mid ay ka buuxdo Yuhuud nacayb waxaana uu yiri “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waana inay iska casishaa aqalka Congress-ka ama ugu yaraan ay ka baxdaa xubinnimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka”.

Ugu dambayntii dhiirranaanta iyo geesinnimada ay sameysay Ilhaan Cumar kuna sheegtay in aan qaranka Maraykanku ahayn meel laga masruufo waddamo gaar ah iyada oo ula jeedda Israel ayaa noqonaysa gantaalkii ugu weynaa ee muddo lagu dhufto danaha qaranka Israel, waxaana laga yaabaa in ay dhabbo cusub u jeexdo siyaasiyiin kale oo la aragti ah iyada balse ku dhici la’aa inay fagaare ka sheegaan taasi oo dhaawac u geysan karta danaha qaranka Yuhuuddu ka leeyahay maraykanka.