Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Akhbaarti Zamaanka ..Taarikhdi Saxaabiga Abuu Cuteyba Binu Al-Jaraax Ee Maalinti Badar Dhex Jibaaxay Safafki Hore Ee Gaalada

Thursday - March 28, 2019



Abuu Jaraax wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma uusan lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jirka ah ayaa intaas u sii dheereed. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga, wuxuuna ka mid ahaa dadki ugu horeeyey ee soo islaamay ..  Abu Cubeyda Al-Jaraax ilaahay rali ha ka noqde wuxuu ka mid ahaa Tobankii isku Gaadaamay Rasuulka scw, isla markaana ka mid noqday saaxaabigi isago dunida saaran Nabi Maxamed Scw Ugu Bishaareeyey inu gali-doono Janada
.
Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Cubeyda maalintii Badr dhex jeexay safafkii Gaallada sida qof aan ka cabsi qabin geeri ama dhimmasho, jeer ay ka cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa soo aadi waayay fardo-laydii dagaal-yahaniinta ahaa, Hase ahaatee waxaa jiray nin isagu u soo ban-baxay dhinacii Abuu Cubeyda, isagoo meeshuu aado-ba daba-gala. Wuxuu Abuu Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imaanayay ninkaas, isagoo ka fogaanaya la kulankiisa iyo inuu ku soo aado dagaalka. illa jeer markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xiray dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa, isagoo ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle.

Waxay dhacday, markii uu Abuu Cubeyda Binu al-Jarraax ku sugnaa carriga Shaam, isagoo markaas ku hoggaaminayay ciidanka muslimiinta guul daba socota guul kale jeer uu gacantiisa uu Eebbe (scw) ku furo dhammaan magaalooyinka Shaam, isagoo gaaray xagga webiga barri ee Furaat (Ciraaq), sida kale xagga aasiyada yar-na waqooyigeeda (Turkiya).

Abuu Cubeyda isagoo forontadaas weli ka dagaalamaya waxaa ku dhacay cudurkii halista ahaa ee daacuunka, Intii uu Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax saarnaa sariirta sakaraadka wuxuu u dardaarmay ciidankii muslimiinta ee uu isaga hoggaaminayay, wuxuuna ku yiri " waxaan idiin dardaarmayaa dardaaran, oo haddii aad qaadataan aydan ka suulaynin abadkiin kheyr. Waxaad oogtaan salaadda, soomana bisha Ramadaan, saddaqadana la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya madaxdiina, oo ha khiyaamina, yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun sanno oo cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka aan hadda ku suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi" 
Dardaarankaas kadib, wuxuu Abuu Cubeyda jaleecay oo milicsaday saxaabigii jaliilka ahaa ee Mucaad Binu Jabal, wuxuuna ku yiri "Mucaadow tuji dadka". Kamaba soo wareegan intaas wax-yar jeer ay ruuxdii daahirka ahayd ee Abuu Cubeyda ay u kor noqoto Allihii sarreeyay, sidaasna ayuu ku dhintay.