Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Runeey Lagu Neceb Lagu Rookee .. Shacabki Mogdisho Oo Markaan Dhabti Arkay In Ummadda Ay U Taliyaan Saraakiil Magac U Yaal Ah " Proper Noun" Iyo Wasiiro Ooman Oo Garasho Iyo Aqoon Ka Gablamay

Sunday - March 31, 2019



Abris aan wax dhawreyn iyo Abeeso Nin korsaday abaalkiisu waa iney raamsata .. Shacabki Mogdisho daryel ma helin oo markaan waxay arkeen inaan daacad loo ahayen wax ka qabadka nabadgalyada oo munaafaqeyn ka jirto, waxaa cadaatay in dalkii ay hor-bodayaan amase maamulayaan saraakiil magac u yaal ah (proper noun) iyo wasiiro Ooman sidi shinida geedaha miraha ka cunaaya aan ehel u ahayen maamulka oo kaliya afminshaaro degtay oo ujeedadoodu tahay uun ayaamo iney danahooda ku adeegtaan .. intaas aafo ah ayaa maanta umadda u talisa oo markay ayaamo ku guuraan dibada u carari-doona wax alaale iyo waxay ka tagayaan ma jirto .. Waqtigi waa is guraya ficilka maamulka Farmaajo iyo kheyrana waa sabeynayaa .. Kuwaan waa caga baruuro ilaahay umadda u soo diray oo nasiib baa la leeyahay hadey nagu soo noqon. 

Dibnihi sheeko waa daayeen .. Muddo 6 maalmood ah oo xariir ah ayaa Al-Shabaabka ku hawlan masiibada Muqdisho ka fuliyeen Qaraxyo iyo weeraro toos oo dadka ku beertay Jawi cabsi ah, waxaana kadib cabsidaasi ku soo biirtay hanjabaad ay howlgal ay Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday waxayna dadka ka fekarayaan sida uu xaal noqon doono.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in howlgal laba nuuc ah laga sameyn doono magaalada Muqdisho, wadooyinkana la xiri doono, arintaas ayaa abuurtay in ay dadka u diyaar garoobaan xirnaanshiyaha magaalada, waxaana maanta suuqyada Muqdisho lagu arkayaa dadweyne u diyaar garoobaya sidii ay uga kaaftoomi lahaayeen xirnaanshiyaha magaalada.

Dadweynaha Muqdisho ayaa kuu sheegayaa in magaalada ay ka jirto halis, waxaana maalmahan waqti hore la xirayay goobaha ganacsi, sidoo kale hoteelada ayaa in badan oo kamid ah haawanaya oo aan joogin wax dad ah, si lamid ah goobaha Dalxiiska ayaadnan ku arkayn dadkii tirada badnaa ee markii hore imaan jiray.

Wixii ka dambeeya 5:30 Pm magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayadaha, hoteelada, goobaha fadhi ku dirirka, waa goobo aysan qofna joogin iyo meelaha qaar oo aad ku arkeysid dad aad uga yar kuwii hore, halka markii hore habeenkii ilaa saq dhexe ay caadi aheyd magaalada Muqdisho.

Internet-ka ayaa aad loogu wadagayaa fariimo digniino ah iyo wargelin, waalidiinta ayaa isku dayaya in ay magaalada ka baajiyaan dhalinyarada waxayna arimahaan Shacabka Muqdisho soo xasuusiyeen xiligii colaadaha iyo xaaladihii adkaa oo ay soo martay magaalada Muqdisho inkastoo aysan hada xaaladaasi u dhowayn.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa laga dhowrayaa sida ay uga fal celiso walaaca amni ee ka jira magaalada Muqdisho iyadoo aad Muqdisho saacadihii ugu dambeeyay lagu soo kordhiyay Ciidamo ka badan kuwii hore.