Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan Oo Jabsaday Muftaaxa Sirta Ee Tajir Bezos Iyo Shacabki Ameerika Oo La Yaaban

Monday - April 1, 2019



Baaraha matalaya milkiilaha shirkada Amazon Jeff Bezos ayaa sheegay in Sucuudi Carabiya ay u dhacday teleefanka Mr Bezon ayna galaangal u yeelatay xogihiisa khaaska ah.

Gavin de Becker ayaa baaritaankaan waxaa u igmaday Mr Bezos si uu usoo ogaado sida fariimihiisa khaaska ah loogu dusiyay wargeyska National Enquirer tabloid.

Baarayaasha iyo tiro kale oo khubarro ah ayaa soo gebagebeeyay warbixino lagu kalsoon yahay oo ah in Sucuuudigu uu galaangal ku yeeshay telefanka Bezos.

Wargeyska The National Enquirer ayaa daabacay bishii January eedeymo ah in madaxa Amazon uu ku lug lahaa arrimo sir ah oo hoose .. Warbixinada laga baahiyay ayaa waxaa ka mid ahaa sawiro iyo fariimo qoraal ah.

Mr de Becker ayaa sheegay in warbixinta shirkada AMI sidoo kale lagu dalbaday inuu sheego in baaritaankiisa lagu soo gebogebeeyay in shirkadan aysan la xiriirin Wax jabsasho ah oo loo geystay hanaankooda warqabadka .

Wuxuu ku eedeeyay in dowladda Sucuudiga ay bartilmaameedsatay wargeyska Washington Post, kaasi oo weriye Jamaal Khaashoqji uu wax ku qori jiray.

“Qaar ka mid ah dadka Mareykanka ayaa la yaabi doono markii ay ogaadaan in dowladda Sucuudiga ay ku dadaaleysay inay dhibaateyso aasaasaha Amazon Jeff Bezon, tan iyo bishii Octobar, Kaddib markii wargeysku bilaabay inuu si joogta ah u daabaco warbixinada la xiriira khaarijinta weriye Khaashoqji,” ayuu yiri Mr de Becker

“Way cadahay in dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu u arko wargeyska Washington inuu yahay cadowga koowaad .. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in khaarijintii weriye Jamaal Khaashuqji ay u baahneyd ogolaanshaha dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan, balse Sucuudi Carabiya waa ay beenisay inuu ku lug lahaa.

Qunsuliyada Sucuudigu ku leeyahay Washington ayaanan weli ka jawaabin dalabka Mr de Becker ee ah inay kasoo jawaabto eedeymaha uu u jeediyay sida ay tabisya wakaalada wararka ee Reuters.