Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Hadba Meel Aan Loo Jeedin Iyo Waxay Moshin Iyo Dacwad U Soo Gurguurtaanba .. iLhaan Cumar Oo Baaritaano Lagu Bilaabay

Wednesday - April 3, 2019



Labo dacwadood oo ka dhan ah Ilhaan Cumar ayaa laga diiwaangeliyay Gobolka Minnesota ee laga soo doorto, iyada oo lagu eedeynayo in si qaldan u maareysay lacagihii ay ku gashay ololaha doorashada ee ay ugu biirtay aqalka wakiillada Mareykanka.

Dacwadahan waxaa diiwaangeliyay Steve Drazkowski, oo ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga, waxaana uu sheegay in Ilhaan ay $6,000 oo dollar u maareysay qaab aan sax ahayn, lacagtaas oo uu sheegay in ay ka mid ahayd mid uu lahaa xafiiskeedii hore ee xildhibaan Minnesota iyadana ay si shaqsi ah u adeegsatay.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay kharash ku bixisay kala taggii iyada iyo saygeedii hore, lacagahaas oo iyana ah kuwo dan guud oo miisaaniyadda xafiiskeeda ka mid ahaa.

Drazkowski ayaa sheegay in la arkay lacag gaareysa $2,500 oo dollar oo ay Ilhaan dib ugu celisay Iskuulladii ay ka hadli jirtay xilligii ololaha oo ay hadda dib u celin ku sameysay.

Dacwaddan ayaa xoogga lagu saarayaa in tallaabooyinka ay qaadday Ilhaan Cuamr intii ay ku jirtay ololaha doorashada kursiga aqalka hoose ee Mareykanka ay jebinayaan sharciga Gobolka laga doortay.

Wargeyska Sinclair oo warbixintan qoray ayaa sheegay in arrintan uu kala xiriiray Ilhaan Cumar hase yeeshee ay diidday in ay ka jawaabto wax ku saabsan dhaqaalaha ku baxay ololaheeda doorashada.

Ilhaan ayaa waxaa ku furan buuq ka dhashay hadal ay ka sheegtay ururka u ololeeya dadka Yuhuudda ee Mareykanka ee loo yaqaan AIPAC.

Dadka Mareykanka ah ee midabka caddaanimada la weyntahay iyo kuwa Taageerada dhabta ah u haya Israel ayaa soo jeediyay in Ilhaan laga saaro Guddiga xiriirka dibadda Mareykanka ee aqalka hoose oo ay ka mid tahay.

Dadka soo jeediyay in laga saaro guddigaas waxaa ka mid ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence.