Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Nin Dan Leh Dalil Ma Waayo .. Mudane Kheyre Oo Gatin Socod Iyo Sir hoose Ugu Jira Inu Ka Macaasho Amase Haybad Ku Yeesho Faham Guurka Iyo Dhukanaanta Farmaajo

Thursday - April 11, 2019



Baarlamaanki Somaliya wuxuu socdaba ugu dambeyn dharki ayaa laga dhigay oo cawradoodi banaanka lagu waray mana jiro jaanis dambe oo laga sugaayo .. Barlamaanki Shacabka oo awlba ciiro isku qarinaayey oo la saluugsanaa ayaa markaan Sanka laga qabsaday ee Uf iyo Akh la yiri, wuxuu lumiyey awoodiisi sharci-dajinta iyo gaar ahaan xilki loo igmaday, halkaasna waxaa ku lumay kalsoonidi shacabka u qabay, waxaasna waxaa sabab u ah qoob ka ciyaarka u dhex-jibaaxayo Mudane Khyre isagoo ka duulaya rabitaankiisa ah Sidaan jeclahay ii yeela idinkuna ii weydiya waxaad cunaha marisan.

Waxaa Maxfalada Shiikh iyo Shariifba laga sheegaya in dhibaatada weyn ee sabab looga dhigay burburkaas waxaa ka mida qaybta baarlamaanka ee laga dhigay wasiirada oo ujeedo darteed tiradooda nambar la badiyey, taaso keentay in markasta ay horjoog-sadaan mashruuc kasta oo mooshin la keeno noocu rabo ha noqde amase usan raali ka ahayen Kheyre. 

In badan waxaa dareenki dadka si weyn u taabtay, waa inta wax dareenta ee dadnimo ku dambeyse sida baarlamaanki loo falash-gareyey indhahooda oo shana iyo sidoo kale qiimo dhac loogu sameeyey nabadsugidi qaranka oo markaas xasiloonidi iyo amnigi meesha ka baxday .. wax is weydin ma xume Aaway ciidanki ee u Kheyre waayahaan ku falfalaaday, oo yaa sabab u ah qaska iyo jaaho wareerka ciidamada gadoodsan .. maxaysa tahay kolba koron-korada ku hoos jirta u umadda ku soo deynaayo iyo la jiifi-yaanada banaan u sameynaayo .. Maxay tahay gabadha Samiira sujuuga ah ee xafiiska kheyre fadhida ee la yiri iyadaa ciidanku ka amar qaataa, waa la yaab iyo qaadan waa in saraakiil Naaska hooyadood weli jaqaya hadaaqaya loo kala dhiibo hogaamadi xasaasiga ahaa ee taliska guud ee xooga dalka ..  Ninka Cad oo dano gaara laga laha marki laga diiday kheyre maxay tahay xulshada guracan ee Bangigi dhex oo Aaway Ragi imtixaanka u galay,  Aaway garsoorki iyo cadaaladi .. Yuu u dhibay dastuurki oo u kala tashaday, Aawayse goboladi u calanka Cas u taagay .. ma la is weydiiyey Maxay tahay murtida ku jirta in shaqadi iyo hawlgalki taliyaha poliska oo aan danbi galin sama-diidow loogu qaaday oo hawshisi lagu wareejiyo sarkaal magac u yaal Saadiq Joon oo barsho aqoon la alif baro .. Waxaase amuurta la yaabka leh ay thay garasho la'aanta ku habsatay madaxweynihi loo hanweynaa farmajo iyo sida usan dood uga dhiibaneyn meesha u ka taagnyahay khasaarha u dhigaayo Kheyre oo maalinba maalinta ka dambeysa buur isku qaad iyo barbarkey ka ladneyd dawladu Batrool ku afuufaya.
  
Khyre oo isu qaatay kan isagu yahay Haadka keli ah ee duula hawada, amase xabada Kaluunka ah ee Bada ku jirta oo meel u cadahay meeli ka madowdahay iyo isago ilkaha u cadeynaaya wuxuu dagaalkiisi ku jaheyey inu awoodiisa ku muquuniyo Farmaajo kana dhigo Saabuun Aan xoor lahayen iyo wax aan awood badan lahayen iyo isago nool xabaasha ku rido .. Rag baa ka yaabay qorshaha Kheyre wato ee ku saleysan inu ku macaasho amase haybad ku yeesho faham guurka Farmaajo oo maalin oo dhan isago isolatid ah waxgaradki talada siin lahaa ka dhuumanaya qol madow keligis gudcurku ugu soo galo.
 
Arintu si kastaba ha ahaate .. Marxalad kasta oo dalku soo marayba maanta somaliya ifafaalaha muuqda waa lagu bahaloobay oo sidi Raq dugaag helay lagu habsaday .. Dalkii Somaliya lugta lagu walaaqaya, qarmuun baa melkasta ka jira oo ma harin hadal la is yiraahdo, Maanta ma jirto wax la isu qariyo .. waa isa soo gabti beenti Kheyre ku cimri-dheereysanaayey ee ahaa madadaalo, khuraafad, male-awaal been la qurxiyo oo loo yeelo sawir ka macaan runta .. Runti sheeko horay bey u soo dhamaatay oo kolkoolinti Farmaajo lagu caleemo saaray waxay ku dhamaatay in hadda candhuufti dib loo liqo 

Maanta madaxdeena waa madax muuqda oo kaliya oon ficil iyo damqasho-toona lahayen iyo Baab allaale baab ay garanayaan ama laga sugaayo aaney jirin iyo wax ay micney-nayaan toona, mana muuqato rajo ka soo socota ee dadweynow gudo joog iyo kuwa qurbo ku noolba, waxaan idin sheegaya Somaliya waa sakaraadeysa cid badbaadineysana ma muuqato oo dawladaan waa dhedo roob noqon-weysay ..  waxaa runta la yiraahdana waa xaalka kali ah ee uu aadamigu ku qanco, laakiin haddi kolba midab loo yeelo been la qurxiyo waa cishooyin waxa ay shaqeysa .. dhib nin yaqaan colaad ma dhidhiyo ee runta marki la sheego caashaq digaag dartiis yaan la oran waa sheeko Mucaarad oo ujeedo leh ee waxa dhacaya wax la sii eegto ma harin, waase in aanay halkaas dhaafin ee si wada jira u hor-joogsanaa si xaqna uga hadlnaa