Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Maxaa La Isku Haysta Waa Tii La Walaaqanaye .. Khilaaf Ka Taagan Magacaabista Kursiga Agaasimaha Guud Ee Hay'ada Nabadsugida

Sunday - April 14, 2019


Warar laga xigtay ilo lagu kalsoonyahay oo ka agdhawo xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa si xan hoosa ah ku sheegay in dharaaro badan oo soo taxnaa Madaxweyne Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yaasin ay isku mari waayeen shakhsiga loo magacaabayo agaasimaha hay'ada sirdoonka Nabadsugida oo illa waqti dheer jagadaas banaantahay.

Xogta ayaa tilmaameysa in Fahad Yaasin oo ku xariifoobay wax ka dhaadhicinta Farmaajo ayaa booskaas isago isu raba marar badan madaxweyne farmaajo u soo jeediyey inu isagu jagadaas ku haboonyahay, laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa codsigaas isagoo siyaabo kala duwan u muujinaaya ka goos qabsaday, taaso keentay in Fahad Yaasin u saluugo Farmajo oo marar badan la arkay isago niyad meyda xafiiska kaga baxay.

Dhinaca kale kheyre oo safka soo galay lagdanka ka qayb qaatay ayaa dhinciisa taageero iyo shukaansi u galay in booskaas xulashadiisa si la jiifi-yaana banaan la jooji-yaana banaan u ku haboon-yahay in uu gaar u maalo Fahad Yaasin si toosana loogu magacaabo, hasa ahaate madaxweyne farmaajo ayaa soo jeedintaas kaga jawaabay: in magacaabidaas ay culustahay oo arlada diidmo iyo lur bdani ka jirto iyadoo poskaas ay u dhux-dhux-leynayaan Reer Dhabo-haye iyo Reer Baal-Shinbiro Iyo Reer Baal Digaag oo dhibaato iyo dirir ku hawlan-yihiin sidi xilkaas loo siin lahaa, sidaa darteed  weli maynu adkaane inoo aayara oo ha la ii siiyo waqti aan arinkaan kaga baaraandego .. Warka ayaa intaa raacinaaya in Kheyre iyo Fahad ay waayahaanba xaga hawlgalka siyaasada aad isaga soo dhawaadeen oo weli damacoodi iyo farshaxan-koodi inu kursiga dhaafin aan ka  daalin