Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dhurwaayadi La Taliyaasha Trump Ee Qaska Venezuela Ku Riixeysay Oo Quus Awgeed Kala Fakaday .. Madaxweyne Maduro Oo Sahal Uga Baxay Maalmihi Muragada Iyo Culeyski Badnaa Ee Saarnaa

Friday - May 3, 2019


Wargeyska Washinton Post ayaa bogiisa warbixinta ku qoray in qorshihi afgambiga ee ay wateen Mareykanka iyo mucaaradka oo ay la damac-sanaayeen Venezuela u gabi-ahaanba maalinti arbacada burburtay .. warkaas oo laga soo xigtay masuul sare oo guriga cad ka tirsan ayaa daboolka ka qaaday in kulanki ay wada qaateen Golaha sare milatariga ee Mareykanka iyo guddiga amniga maalinti Arbacada u ka dhashaay kala fikir duwanaasho qaabka loo wajahay xaalada Venezusela.

Warka la soo xigtay ayaa intaa ku daray in madaxweyne Trump uusan markaan la dhacsaneyn inu dhiiqo lugaha la galo oo arinta Venezuela ay gasho dhabo daran .. Trump ayaa marar badan warkiisa ku celceliyey in isla weynida la taliyaha xag jirka waalan ee xaga Amniga M. Bolton u markasta is qaad-qaadkiisa iyo Quraan dhurwaagiisa u na hoos galinaayo dagaal wuxuu soo kordhinaayo amase ku dambeynaayo aan la garaneyn , sido kale waxaa warku sheegaya in siyaasiyiinta jilba culusta ee maamulka Guriga cad ay si dhaba u saluugsan-yihiin fikirka la taliyaha Mr. Bolton aan sal iyo raadka lahayen ee u ku riixayo Madaxweyne Trump .. Waxaa la tabiyey in Bolton u marki dambe shirki arbacada ee looga hadlaayey qaabka looga hortagaayo Venezuela' socialist Nicolas Maduro oo saluug iyo mawqif laga istaagi waayey iyo in hal go'aan la qaato awgeed u isaga baxay shirki isagoo aad moodo in naftu ka sii baxayso.

Xarig jiidka iyo Khilaafkaas ka dhashay guriga Cad ee lagu gorfeynaayey xaalada dalkaas ayaa dhalisay in qorshihi Bolton u hor kacayey iyo mucaaradka Venezuela halkaas gudoonki noqday in bila faataxo iilka la dhigo .. waxaana la sheegay in Mucaaradki intisi badneyd kala fakadeen kadib markay ay duntay buurti US ee ay ku tiirsanaayeen.

Madaxweyne Nikolas Maduro oo sida la sheego ku koray geesinimo iyo geed aanu gubi-karin gacan ku dhiigle, ayaa isagana dhiniciisa daboolka ka qaaday: in mucaaradki jawaasiista ahaa iyo danestayaasha ee dalka ku soo dulay ay la soo daristay jab iyo halaag kuna noqotay nabar xanuun badan oo gaarsiiyey iney odaga Trump nacalad dusha uga tuuraan .. kuwaasoo waa mucaaradke ayuu yiri meel ay dadka iyo dalka u wadeen aysan jirin, oo wixii lagu qab-qabtay duulaanka maxkamad la soo taagi-doono oo ay dhici-karto iney geeri la kulmaan