Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Tafaraaruq Waa La Arki Jiray Tanse Waa Yaabe .. Kheyre Oo Taraq Ku Tuuray Gogosha Taal Garoowe

Saturday - May 4, 2019



War weyn is daba jooga oo iminka laga soo xigtay siyaasiiyiin wax ka og dhaq-dhaqaaqa Kheyre ayaa shegaya in Ra’iisul Wasaaraha u kulan gaara la qaatay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, iyadoo kulankan looga hadlayo wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo labadan Maamul goboleed, isla markaana Mus lala koro maamulada kale ee ka soo horjeeda siyaasada fedaraalka

Sida wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaaraha Kheyre oo sida la sheegay shirka aan daacad u ahayen munaafaqadiisi durbaba muuqatay ayaa ilaa shalay u la shiraayey hogaamiyaasha labadaas maamul ee jiifka laga soo kiciyey oo u taageero iyo inu ayaamo ku guuro ka raadinaya, iyadoo xilligan lagu tiriyo labadaas maamul oo saxanka wax loo saaro inay u janjeeraan dhanka dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay qorsheyneyso in Gaashaanbuursi la tagto shirka Garowe, isla markaana ka faa’ideysaneysa in shanta Maamul Goboleed aysan xilligan hal dhinac wada aheyn, taaso la doonaayo in lagu qanciyo beesha caalamka oo iyadu ka dambeysay in gogoshaan la dhigo

ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in looga hadlayo sidii dowladda Federaalka iyo labadan maamul goboleed hal aragti iyo muran aloosan hadba meel ka rida oo si mideysan ula tagi lahaayeen shirka ka furmaya Garowe.

Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ku mowqif noqon-doonin Maamul goboleedyada kale Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ka soo horjeestay Sharcigii doorashooyinka ee maalin ka hor ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.