Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Akhbaarti Zamaanka Iyo Quruumihi Hore .. Qisadi Nabi Aadam CS Oo Kooban

Sunday - May 5, 2019



Wixii ugu horeeye uu Eebe abuuray waxa weeye Carshigiisa, muddo kadib Eebe waxa uu abuuray "Qalinka" oo qalinki wuxuu yiri "Eeboow maxaan Qoraa" Eebe waxa uu ugu Jawaabay "Qor wax-kasta oo jiray, jiridoona illaa inta ay maalinta Qiyaamaha ka dhacayso" Waxkasta siduu noqon doono iyo cirib Waqti kadib ayuu Eebe abuuray Todobada Dhul iyo Todabada Cirba .. waxaasu dhana Eebe waxa uu ku abuuray Lix maalmood 

Marki Dambe Waxa la abuuray Aadam Maalin Jimco ah, waxuuna Gacmihiisa sharafta leh ku Abuuray ALLAH .. Intii aan Ruuxda lagu afuufin Aadam muddo waxa uu ahaa Dhoobo, kadibna Eebe waxa uu Nabi Aadam ku Afuufay Ruuxdiisa, waxayna naftii ka gashay Madaxa, ayadoo ruuxdu ay hoos u socoto. Markay ruuxdii maraysay Sanka ayuu Aadam Hindhisay, Malaa’iktii oo agtiisa joogayna waxay ku dhaheen Aadam "Ilaahay U Mahad Celi" .. Markii Nabi Aadam Ruuxdii Gaartay Jirkoo dhan, waxa uu Eebe Amray in uu u tago Malaa’ikta oo uu salaamo. waana u tagay oo ku yiri: Salaama Calaykum Wa Raxmatullahi Wa barakatu .. Malaa’iktiina way ka qaadeen Salaantii "Wa Calayka Salaam". Waxa uu Eebe ku yiri Nabi Aadam Taasi waa Salaanta Adiga iyo Ubadkaaga.

Nabi Aadam marki dambe waxa uu dareemay kalinimo, waxaanu is waydiiyey ma adiga kaligaa ayaa ku noolaanay nimcada intan la’eg. Maalintii dambe ayuu Nabi Aadam seexday, waxaanu hareertiisa ka helay Ruux Dumar ah, waxaanu waydiiyey; Waa Tuma? Waxayna ku tiri ” waa Ruux dumar ah oo waxa i Abuuray Eebahay. Oo muxuu Eebe kuu abuuray. Waxay tiri:  Waxa uu ii abuuray si aan kuula noolaado oo nolosha kuula qaybsado. Malaa’iktii ayaa waydiisay Nabi Aadam  Magaceeda waa maxay?” waxa uu ku yiri: waa Xaawa, sababtoo ah waxa laga abuuray Noole kale, oo ah Nabi Aadam.

Ugu Dambeyn Markii ay geeridu u timid Aadam CS,wauxuu ku yiri; ilmihiisa; Maandhooyinow! waxan doonaya inaad ii doontaan mirhi janada, markaasa dhamaantood galeen raadin. waxaa kula kulmay wadada malaai'g xambaarsan xunuudkii(udgoonkii) iyo kafanti Aadam iyo wax-yaalaha lagu qodo dhulka, waxay weydiiyeen ilama Aadan! xagee baad u socotaan! waxay yiraahdeen; Aabahayga baa xanuunsan oo doonaya mirihi janada, waxay yiraahdeen; hadaba laabta aabahiin waa naf baxe. 

Malaigti waxay uu yimadeen Aadm. markina ay xaawo aragtay, wey aqoonsatay oo ku dhagtay Aadam . Aadam wuxuu yiri; idaa xaawoy, waxaan dhashay adiga hortaa ee isu kaaya daa aniga iyo malaaigta rabbigay, waxay ka soo saareen nafta, oo meyreen jirkiisa oo kafneen oo u mariyeen udgoon. dabeeto waxay u qodeen qabri oo ku tukadeen .. Marku Aadam dhintay, waxay dhamaan uumanka u ooyeen todobo maalmood.

Aadam CS marki geerida u timi, waxuu wiilkiisa Shiis kula dardaarmay camalada cibaadada ah ee lala yimaado, wuxuu sido kale u sheegay dadka iimaan-doona isaga dabadi .. waxaa la sheegaa in aadanaha oo idil ku abtirsadaan Shiis, halka Aadam ilmihiisi kale wada dhinteen oo kama ay tagin wax waraso ah .. Shiis micneheedu waxaa weeye "Hibad Alle". waxay ugu bixiyeen magaca waayo waxaa la siiyey wiilkaa Aadam iyo Xaawo kadib marku dhintay Haabiil .. Qaabiil baa ku dhuftay Haabiil dhagax weyn madaxiisa isagoo hurda, waxaa kalo la sheega inu ceejiyey illa dhimasho oo u qaniinay sida bahal dugaag ah

Xagee lagu duugay; waxaa jira khilaaf xaga culimada ee la xariira su'aashaas .. waxaa caan ah in lagu aasay meel u dhaw buurtii uu ku soo dagay oo ku taal hindiya, balse kuwa kale ayaa yiri; waxaa lagu aasay buurta Abuu Qabiis ee ku taal Makkah, waxaa kalo la sheega in waqtigi daadkii weynaa Nuux ku qaaday isaga iyo xaawo kafan oo ku aasay Beytal Maqdis oo ku yaal Qudus
Aadam CS intu noola oo laga soo wariyey nabigeeni maxamed scw in cimrigisu u ku qornaa looxa maxfuudka 1000 sano.