Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Akhbaarti Zamaanka Iyo Qaruumihi Hore .. Qisadi Nabi Nuux Iyo Wixi Kala Qabsaday Qoomkii Yiri: Nuuxoow Waad Nala Muranta Oo Waliba Murankaagi Batay Ee Na Tus Cadaabki Aad Sheegeyso

Monday - May 6, 2019



Nabi Aadam CS geeridiisii kadib waxa ka soo wareegtay Kun sano-Toban Qarni, dadkuna waxay heysteen Diintii Nabi Aadam mudadaas, waxaana dunida ku sugnaa Rag iyo Dumar Eebe kaligii Caabuda waase geeriyoodeen .. Geeriddodii kadib waxay dadkii tabeen culomada ka baxday, si kastaba ha ahaatee waxa Qoomkii u yimid Shaydaan oo ku yiri waxaad Samaysaan Sawiro Sanam si aad u xasuusataan kadibna aad ilaahay u Caabudaan. Qorshahan oo cirib xumo ku keenay Qoomkii Nabi Nuux.

Eebe naxariistii waxa ka mid ah inuu usoo diray Nin ayaga kamid ah, waa Nabigii iyo Rasuulkii Eebe ee Nuux CS .. Nabi Nuux Qoomkiisa waxa uu Cibaadada Eebe ugu Yeeray 950 Sagaal Boqol iyo Konton sano, isagoo adeegsaday wado kasta iyo farsamo kasta oo qof ibnu Aadam aha loogu yeero.

Nabi Nuux CS, wuxuu Eebe ku yiri:  Eeboow Qoomkaygii waan u yeeray Har iyo Haabeenba, yeeridaydina uma siyaadin waxaan Firdhad ahayn. Markasta oo aan u yeero si aad ugu danbi dhaafto waxay fara-hooda galiyeen dhaga-hooda, marya-hoodana way isku dadeen, wayna ku madax adaygeen xumaanta wayna is-wayneeyeen. Hadana si kor ah ayaan ugu yeeray dadka dhexdiisa, waanan u qayliyey hoosna waan ugu yeeray.

Kun Sano ku dhowaad ayuu Nabi Nuux u yeerayey Qoomkiisa, kadib intay u yimaadeen ayey dhaheen Nuuxoow waad nala murantay oo waliba murankaagii batay ee na tus cadaabkii aad sheegaysa .. Nabi Nuux muusan wali ka quusan Qoomkiisii ee waxa ugu jawaabay Hadduu Eebo doono wuu idiin keeni Cadaabka Eebana ma cajsi galin kartaan .. Nabi Nuux Xaaskiisii iyo Wiilkiisii oo ahaa dadka ugu dhow Qoomkiisa maysan rumayn Nabi Nuux.

Kadib Nabi Nuux marka uu ogaaday inaany cid kale rumaynayn ayuu Habaaray Qoomkisii ayaga oo mutaysatay Habaarka .. Adoonkii Eebe ee Nuux waxa uu yiri; Eeboow hakaga tagin dhulka korkiisa gaalda ruuxna, maxaayeelay hadaad kaga tagto waxay luminayaan addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.”

Nabi Nuux waxa loo waxyooday in uu sameeyo Doon saxaraha dhexdiisa. Waa waxyi xaga Eebe uga yimid laakiin miyey kula tahay gaaladiibaa daynaysay .. Nabi Nuux waxa uu guda galay inuu soo jaro dhirta, soona ururiyo looxyada uu ka smaynayo Doonta, kadibna Eebe ayaa baray qaabka uu u samaynayo. Waxa la faray in looxyada uu is dul saaro kadibna uu ku dhajiyo masaabiir.

Nabi Nuux waa dhamaystiray Doontii oo waxa loo waxyooday markaad aragtid calaamad iyo astaan uu garanyo in ay doonta fuulaan isaga iyo cidda rumaysay, sidoo kalena xoolaha ka qaado mid kasta lab iyo dhidig .. Calaamadii markay muuqatay ayaa Nabi Nuux amray in Ehelkiisa iyo cidii rumaysay ay fuulaan Doonta sidoo kalena xayawaankii oo dhan lab iyo dhidig la saaray doontii.

Doontii Nabi Nuux waxay dul heehaabaysaa Mawjadaha biyaha, gaaladiina way qaylinayaan. Nabi Nuux waxa uu arkay wiilkiisii ka gaaloobay oo go’doonsan kadibna waa u yeeray oo ku yiri Wiilkaygoo soo fuul doonta hase-ahaatee wilkiisa oo madax adayg iyo gaalnimo ku jirto waxa ugu jawaabay waxaan fuulayaa oo eersanyaa buurta .. Wilkii Nabi Nuux halkaas buu ku qarqamay sidoo kale gaaladii waa la halaagay.

Doontii waxay istaagtay Buur ku taal wadanka Ciraaq oo la dhaho Juudiyyu. Eebe waxa uu amray samada inay joojiso biyahay, dhulkuna liqo biyaha. Samadii iyo dhulkiiba way joojiyeen biyahii ayagoo adeecaya Amarka Eebe .. Nabi Nuux iyo Cidii rumaysay waxay dunida sii joogeen muddo sanado ah oo ay caabudayeen ilaahay.

Qoomkii Nabi Nuux waxa ka farcamay oo kaliya ubadkiisii, dhamaan dadkii kale way dabar go’een.

Ugu danbayntii Nabi Nuux waxa u dardaarmay wiilkiisa isaga oo saaran furaashkii geerida waxaanu yiri wiilkaygoow hadii Todobada dhul iyo todobada Cir la saaro kafad dhanka kalena la saaro kalimada Tawxiidka ( لااله الا الله) waxa cuslaanaysa kalmada tawxiidka .. Kadibna waa geeriyooday Nabi Nuux Naxariis iyo Nabagalyo korkiisa ha ahaato.