Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Akhbaarti Zamanki Saxaabada .. Sheeko faaiido Badan Oo Dhex Martay Nabiga SCW Iyo Asxaabtiisa

Tuesday - May 7, 2019




Rasuulka NNKh ayaa la fariistay qayb ka mida asxaabtiisa, kadibna wuxuu weydiiyey isagoo ka bilaabaya Abubakar Sadiiq RC oo ku yiri: Abubakarow Maxaad aduunyada ugu jeceshahay?
Wuxuu Abubakar ku jawaabay: Sadex baan aduunyada ugu jeclahay: 
1- inaan adiga kula jiro  2- inaan adiga ku arkaayo 3- Iyo inaan maalkeyga kugu bixiyo

Adigana Cumarow: Wuxuu ku jawaabay anna Sadex baan ugu jeclahay:
1- Inaan dadka wanaaga faro sirba ha ahaate 2- inaan dadka xumaanta ka reebo jahriba ha ahaate
3- Xaqa inaan iraahdo xaaladu haba kharaaratee

Adiga Cusmaanoow: Wuxuu yiri Sadex ayaan jeclahay:
1- inaan quudiyo dadka baahan 2- Inaan salaanta fidiyo 3-  iyo salaada dadka oo habeenki hurda.

Adigana Caliyow: Wuxuu yiri: Anna Sadex ayaan jeclahay :
1-Martida oo la waqanaajiyo 2- xagaagoo la soomo 3- iyo cadawgoo seef lagu laayo.

Kadibna Rasuulku wuxuu su'aashi u gudbiyey Saxaabi Abuu Daari Al-Qafaari oo isna goobta fadhiyey Oo Ku Yiri: Adigana Abuu Dariyow maxaad aduunka ugu jeceshahay?
Wuxuu yiri: 1- Gaajada 2- Jirada 3- iyo dhimashada. Kadib Nabiga NNKH ayaa wuxuu ku yiri: Sabab maxaad sadexda u dooratay?
Abuu Dara ayaa wuxuu ku jawaabay ; Waxaan ku jeclahay Gaajada si qalbigeyga u jilco, Xanuunkana waxaan ku jeclahay si u dambigeyga u yaraado, waxaan dhimashada u jeclahay si aan Rabigey ula kulmo.

Markaas buu rasuulku NNKH yiri: waxaa lay jecleysiiyey xageyga aduunyadiina Sadex: 
1- Carafta 2-Dumarka 3-waxa laga dhigay waxay indhahaygu ku qaboosadaan Salaada.

Markaa kadib Jibril ayaa soo dagay CS nabadgal-yuuna ku salaamay wuxuu yiri: 
Anna waxaan u jeclahay aduunyada Sadex:
1- Fariintoo idin gaarsiiyo 2- amaanadoo aan guto 3- iyo Jaceylka Masaakiinta .. Kadib Jibriil wuu baxay oo samada tagay, kadibna wuu soo dagay markale, wuxuu yiri: 
ilaahay ayaa nabadgalyo idin ku salaamaya, wuxuuna yiri: Eebe wuxuu ugu jeclyahay aduunyadiina sadex: 1- Carrab dikriga Alle Xusa 2- Qalbi khaashic ah 3- Iyo Jir Dhibtiyo Balaayada u sabra

Fiiro Gaara: Saxaabada Waa Sidi Xidigaha Oo Kale Midkasta Oo Aad Ku Dayataan Waad Hanuuneysan