Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Aqoonta Casriga Oo Ku Soo Dhacday Tubtii Dinteena Inoo Jeedisay .. Cilmi Baarista Cusub Oo Soo Bandhigtay In Qadoodiga Soonka Jirka Ka Nadiifiyo Unugyada Dhintay Kana Badbaadiyo Asaasaqa, Diabets Iyo

Monday - May 13, 2019


Mahadnaqu Allaah ayaa u sugnaaday. Allaha, innagu galladay nimcada Islaamka. Allaha, innagu simay bisha Ramadaan ee tobankeeda hore naxariista tahay, tobanka dhexena dambi-dhaaf, iyo tobanka dambe ee Allah addoomihiisa ka xorreeyo naarta.

Professor lagu magacaabo Yoshinori Ohsumi oo u dhashay cariga Jaban, oo sida la ogyahay ku guuleystay Abaalmarinta lagu laro Magac iyo Maal Nibel Ee cilimiga Sayniska, waxaa uu soo xaqiijiyay qadoodigu amase Gaajadu in uu jirka ka nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa naafoobay, kuwa gaboobay iyo kuwa ay haleelshay aramidu sida Verus ama Bacteria. 
Cilmi baaristu waxaa ay soo bandhigtay Gaajada ama soomka in lagaga badbaado waxyeello cudurro halis ah sida Kansar (Cancer), Asaasaq (Dementia), Sonkor (Diabetes), Gabow, Wadne-xanuun, Dhimir-falluuq iyo Cudurrada Faafa.

Waxaana ay si mug leh u falanqaysay aqoontan cusub in jirku iskiis isugu nadiifiyo ama isu-saxar-tiro. Waxaana lagu iftimiyay in uu jirku iskiis isu xalo kolka uu ka qado cuntada iyo cabidda, ugu yaraan 12 saacadood.

Sidoo kale, diraasaddu waxaa ay ku talisay in nafta la qadiyo sannadkiiba 30 maalmood. Isla markaa qofkii awooda in uu ku sii daro toddobaad-kiiba 2 maalmood oo kala dheer. Halkaa waxaa laga dheehan karaa aqoontii casriga ahayd in ay ku soo dhacday tubtii diinteennu innoo jidaysay.

Ugu danbeyntii, baarista cilmiyeed, waxaa ay si adag uga digtay dheraggu in uu jirka bado Wahsi, kuna keydiyo haraa xanniba halbowlayaasha dhiigga, culaysna ku noqda dheefshiidka. Hadhowna soo kordhiya ama sii huriya cudurro halis ah.

Waxaa iyana xigasho mudan, aqoonta (Autophagy) ama “Isa-saxar-tirka Jirka” ee xilligan la soo gunnaanaday in ay soo jiitamaysay tan iyo 1935. Waagaa waxaa la daabacay diraasad lagu male-awaalay hoos u dhigga dheefta ama tamarta (calories) in uu jirku ka helo caafimaad dheeri ah iyo cimri-dherar.

Cilmi baaris kale oo iyana lagu tijaabiyay raxan daayeero ah ayaa muujisay naruurada ka iman karta dhimista dheefta uu noolahu quutto. Waxaana ka soo baxday in ay le’deen 30% xayn daayeero ah oo muddo labaatan sannadood ah caloosha loo buuxin jiray. Hase ahaatee, Xayn kale oo dheeftoodu hoos loo dhigay 30% waxaa ka dhintay keliya 13%. Geerida kuwa dheragta la luudayay ayaa saddex-laab ka badnayd kuwii dheefta loo qorsheeyay.

Durba waxaa xusuusteenna ku soo dhacaya xadiiskii Rasuulka (NNKHA) ee macnahiisu ahaa. “caloosha in saddex meelood loo qaybiyo, meel cuntada lagu rido, meelna cabidda, meelna loo dhaafo hawada si looga neefsado”

Prof. Yoshinori Ohsumi, 73 jir, waxaa uu Shahaadada Ph.D qaatay 1974. Tan iyo waagaa, waxaa uu wax ka dhigayay Jaamicadda Rockefeller, Maraykan, iyo Jaamicadda Tokyo ee Japan. Intaaba, waxaa uu ku foogganaa sidii uu uga niib keeni lahaa baaritaanka cilmiyeed. Ugu danbeyntii, mar uu ku guda jiray shaybaarka uu ku sidkay maskaxdiisa, qalbigiisa iyo nolashiisa., waxaa ku soo dhacday farriintii uu weligiiba u hanqal taagayey. “Hambalyo, waxaa aad ku guulaystay abaalmarinta Nobel.”

Si kastaba ha ahaatee, aqoontu Allah ayay u sugnaatay Waxaana liibaanay qofkii u dheereeya fulinta waxii Allah uu faray, iskana dhowra waxii uu ka reebay. Ogow, haddii ay soo xaqiijiso aqoonta gaaban ee aadamahu iyo haddii ay ka gaabisoba, wax kastoo diintu innagu waajibisay waxaa ku jirta danteenna, if iyo aakhiroba.