Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dhagta Fura Qisadaan Waa Dheef Ninki Garane .. Waa Qiiso U Ka Waramay Nabi Muxamed (NNKH)

Monday - May 20, 2019



Nin ka mid ah umadihii hore ayaa waxa uu marayey meel lama dagaan ah (saxare) markaasuu Daruuraha ka maqlay cod dhahaya: Waxaad waraabisaa beerta Hebel. Ninkii wuu yaabay oo waxa uu is waydiiyey codka aad maqashay ma dhabaa mise ma aha .. Ninkii oo yaaban ayaa daruurtii dhaqaaqday markaasu isaguna u dhaqaaqay dhankii ay daruurtu u jihaysatay. 

Inyar kadib waxay Daruurtii bilowday Onkod iyo Hilaac waanay da’day. Roobkii ayaa ku ururay meel Waadi ah kadibna biyihii waxay gaareen meel beera markaasay beertii oo dhan waraabisay. Ninkii oo yaaban ayaa la kulmay ninkii beerta lahaa wuxuuna waydiiyey magaciisa waxaanu ku yiri waa Hebal; waa magicii uu Daruurta ka maqlay. Ninkii waxa uu hubsaday in codka uu maqlay ahaa Malag, markaasuu waydiiyey waxa beerta kaligii loo waraabiyey .. Ninkii beerta lahaa ayaa ku yiri maadaama aad i waydiisay waan kuu sheegi sababta beertayda loo waraabiyey waxa uu yiri: Markaan beerta beero wixii ka soo baxa ayaan u qaybiyaa sadex meelood: Hal meel waxa quuta aniga iyo ubadkayga .. qaybta labaadna waan sadaqaysataa (dar ilaahay ayaan u bixiyaa) .. qaybta sadexaadna beerta ayaan dib ugu celiyaa si ay mar labaad usoo go’do.

Karaamadan ninkan ku dhacday ayaa ah inuu u bixiyo xoolihiisa dar ilaahay. Marka koobaad qaybta uu siiyo reerkiisa waa sadaqo .. qaybta labaadna dadka saboolka ah ayuu siiya .. qaybta sadexaadna waxa uu ku ilaaliyaa sadaqadiisa oo beerta ayuu dib ugu celiyaa .. Waxay ka dhigantahay inuu bixiyey dhamaan xoolihiisa oo dhan dar ilaahay, markaasuu Eebana ka muujiyey mucjisadan.