Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Alle Kor Ahaaye Wuxuu Yiri: Kuwa Xaqa Rumeeyow Waxaan Idin Ku Imtixaani-doona Cabsi Gaajo Iyo Nuqsaan Naf Iyo Maal Ee Sabiirka Ku Tartama Waad Liibaani-doontaane

Thursday - May 23, 2019


Alle Subxaana Wa Tacaalla Wuxuu Yiri: 
Kuwa xaqa Rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane .. Suurada Aali Cimraan:Aayada 200.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
Waxaan idinku imtaxaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo nusqaan naf iyo maal iyo miroba leh, ee sabrayaasha u bishaaree .. Suuradda al-Baqarah:Aayada 155.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 
Sabrayaasha waxaa la siin ujuura-dooda xisaab la’aan .. Suuradda az-Zumar:Aayadda 10.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 
Kii sabra oo iska cafiya, taasaa arrimaha tooda la go’aansado ah .. Suuradda ash-Shuuraa:Aayadda 43.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
Kuwa xaqa rumeeyoow! kaalmaysta Samirka iyo Salaadda. Alle wuxuu la jiraa kuwa Samree .. Suuradda al-Baqarah:Aayada 153.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
 Waa idin imtixaanaynaa jeer aan soo saarno kuwiinna jihaadaya iyo kuwa sabraya .. Suuradda Muxammad:Aayada 31.

Nabigu SCW, wuxuu yiri: naddaafadu waxay u dhigantaa imaanka barkiis .. Inaad tiraahdo’ Alxamdu Lillaah’ oo macnaheedu yahay (ammaan iyo mahad oo dhan Alle baa leh) waxay ka qayb qaadataa miisaanka camalka qofka inuu cuslaado

ku dhawaaqidda’ Subxaanal-laah (Alle baa ceeb iyo nusqaan ka hufan oo kaamil ah) iyo Alxamdu Lilaah (Ammaan oo idil waxaa leh Alle) baa ku filan inay buuxiyaan cirarka iyo dhulka inta u dhexeysa (oo khayr iyo barako ka buuxiyaan). 

Salaadduna waa Nuur ,, Sadaqaduna waa cadeyn muujineysa iimaanka qofka .. in aad sabartana waa wax wanaagsan sida iftiinka, 

Qur’aankauna waa kuu xujo .. Qof kasta wuxuu subaxa ugu baryaa isagoo u diyaar ah inuu naftiisa iib geeyo markaasay noqdaan mid soo xoreeya, iyo mid soo halliga”.