Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Sheeko Xikmad Xambaarsan .. Wasiirkii Hal-haysta U Lahaa: Inasha Allaah Waa Kheyr

Wednesday - May 29, 2019

Bari hore ayaa waxaa jiray Boqortooyo Warankeeda Ku Dhiigeysa Ugaarsiga Duur joogtada .. Maalin Maalmaha ka mida ayaa waxaa ugaarsi iyo dalxiis u baxay boqorkii xukumayey boqortooyadaas iyo koox wasiiradiisa ka mida .. Wasiir wasiiradiisa ka mida ayaa wuxuu hal-hays u lahaa markay wax dhacaan kalmada "insha-allaah Waa Khayr" .. ugaassigii waxay sii wataanba Boqorkii ayaa Suul dhaawac ka gaaray .. Suulkii ayaa waxaa Takhaatiirtiisii u sheegeen in la jaro Suulkaas maadama uu keeni karo Teetano ama Kansar.

Suulkii ayaa boqorkii laga jaray kadibna wasiirkii ayaa sidii hal-haystiisu ahayd yiri "Insha Allaah Waa Khayr" hadalkaas waxaa ka carooday Boqorkii wuxuuna yirri "Ma Suulka layga jaray ayaad leedahay waa khayr oo ku farxaysaa" wuxuuna amray in la xiro wasiirkaas .. Wasiirkii ayaa sidii hore oo kale yiri " Insha Allaah Waa Khayr" halkaas ayaana wasiirkii jeelka lagu canyuuqay

Boqorkii iyo wafdigiisii waxay sii wateen ugaar-sigoodii waxay socdaanba meesha oo jungal hawd ahayd way kala lumeen .. Boqorkii ayaa wuxuu u galay meel ay ka taliyaan qolo Cawaan ah oo Sanamo caabuda "Dhagxaan ay ilaahyo ka dhigteen".

Qolodan Cawaanka ahi waxay Sanama-dooda u qalaan iyagoo cibaado ka dhiganaaya kuna raali galinaya Asnaam-tooda qofka martida u ah ama ay soo helaan isagoo anbada, laakiin qofkaa loo qalayo Sanamka waa in laga helaa shuruudo u gaara .. shuruudahaas waxaa ka mida inuusan iin lahayn ama jirkiisu dhamays tiran-yahay.

Qolodii Cawaanka ahayd waxay soo qabteen Ninkii Boqorka ahaa iyagoo faraxsan ayey u keeneen ninkii aqoonta u lahaa shuruudaha laga rabo qofka Sanamka loo Gawracayo .. Ninkii wuxuu ka eegay shuruudihii, Nasiib wanaag wuxuu ku arkay inuu ninkan (boqorkaa) Suul ka maqanyahay ninkii boqorkaa halkaasuu ku badbaaday.

Ninkii Boqorka ahaa wuxuu ogaaday in Suulka la jaray uu u’ahaa Khayr wuxuuna amray in ninkii wasiirka ahaa jeelka laga soo daayo.

Ninkii wasiirka ahaa waa la soo daayay wuxuuna u yimi boqorkii .. Boqorkii ayaa su’aal waydiiyey ninkii wasiirka ahaa wuxuuna ku yiri " Markii Suulka lay jaray waxaad tiri: insha Allaah Waa Khayr, waxayna ii noqotay Khayr oo waa anigan qoomkii cawaanka ahaa kaga badbaaday, laakiin waxaad ii sheegtaa markii adiga aan ku xiray waxaad tiri: insha Allaah Waa Khayr ee adigu Khayr kaad ka heshay xarigii aan ku xiray muxuu yahay?”

Ninkii wasiirka ahaa ayaa ku jawaabay " Markaad i xirtay waxay ii noqotay khayr oo hadii aadan i xirin lahayn oo aan kula sii socon-lahaa markay qoladaa Cawaanka ahi ina qabato adiga markay ku sii daayaan anigana waxay ii gowrici-lahaayeen Sanamkooda waayo aniga Suulna ima go’nayn meel kalena imay go’nayn oo waxaan buuxin lahaa shuruudahooda, sidaa awgeed waxaan kaga badbaaday qoladaa cawaanka ah waxayna ii ahayd Khayr"

Maxaynu ka faa’iidaysanaynaa sheekadan xikmada badan akhristow?
Hadalka wanaagsani ama hal-haysta wacani waxay leedahay rajo wanaagsan, Markaa dhamaanteen waa inaynu ku dedaalnaa hadalka wanaagsan ama hal-haysta wacan.