Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 23 September 2024

Cunista Beerka Ariga Oo Hadaan La Iska Badin Faaiidooyin Caafimaad Keena

Tuesday - January 26, 2016



London (Geeska)- Waa shaki la’aan in cunista noocyada kala duwan ee hilibku ay faa’idooyin aan la soo koobi Karin u leedahay quudinta iyo nafaqaynta muruqyada, lafaha iyo neerfayaasha qofka, isla markaana ay xoojiso dhismaha jirka. Hilibku waxa uu jirka siiyaa tamar iyo firfircooni uu hawlihiisa ku qabsan karo.

Xeeldheerayaasha nafaqaynta iyo caafimaadka cuntada ayaa sheegay in beerka digaagga iyo iduhu ay ka mid yihiin qaybaha ugu muhiimsan hilibka, marka la eego faa’idooyinkooda nafaqo ee aadka u heersarreeya iyo awoodda ay u leeyihiin in ay daweeyaan xanuunno badan. Waxa aanu ka mid yahay cuntooyinka hodanka ku ah maaddooyinka xadiidka iyo macdanaha kale leh ee uu jirku u baahan yahay. Waxaa isaguna ku badan Faytamiin A iyo faytamiinnnada isku dhisan ee B sida Fataymiin B1, B9, Asiidka muhiimka ah ee Folic, Phosphor iyo Selenium. Sidoo kale beerku waxa uu hodan ku yahay Barootiinno, dufanno waxtar u leh jidhka, Zink, iyo curiyeyaal kale oo badan.

Xanuunnada uu beerku daweeyo waxaa ka mid ah dhiig-la’aanta, Aneemiyada, waxa uu ka qayb qaataa caafimaadka qanjirka hunguriga oo uu ballaarka ka ilaaliyo, waxa uu ka hortagaa in ilmaha uurka ku jiraa uu abuur ahaan ku yimaaddo khalkhal dhinaca muuqaalka ah, waxa uu kordhiyaa bacariminta haweenka oo uu ka caawiyo uur qaadista, aadna u daciifiyo fursadaha ma dhalaysnimada, waxa uu u fiican yahay daweynta cudurka Pellagra oo keena xaalado ay ka mid yihiin, shuban, khalkhal ku yimaadda neerfayaasha iyo caabuq maqaarka ku dhaca.

Ugu dambayntii khubaradu waxa ay sheegeen in cunista beerka adhiga, gaar ahaan idaha iyo ka digaagga ay ku jiraan maaddooyin muhiim ah oo haddii si nidaamsan loo joogteeyo cunistiisa xoojiya aragga, daweeyana dhibaatooyinka aragga dhow ku dhaca oo inta badan ka dhasha nafaqo xumo. Waxa aanu wanaajiyaa caafimaadka dubka iyo ciddayaha. Waxa uu yareeyaa caabuqa carrabka ku dhaca, dil-dillaaca maqaarka, waxa uu ka hortagaa lafo burburka, waxa uu wanaajiyaa caafimaadka ilkaha, dumarkana waxa uu ka caawiyaa ka soo kabashada dhiigga caadada.

Isla markaa waxaa xusid mudan in Khubarada caafimaadku ay sheegeen in beerka cunistiisa oo qofku isku badiyaa ay keento dhibaatooyin caafimaad darro oo ay ka mid tahay, in jirka ay ku ururaan maaddooyin ku jira beerka oo keena cudurka af-ingiriisiga lagu yiraahdo Gout, oo ku dhaca isgoysyada iyo suulka cagta. Beerku waxa uu badiyaa Kalastaroolka, waxa aanu khatar ku yahay dadka qaba wadne xanuunka, dhiigkarka iyo macaanka.

Ugu dambayntii Beerka waxaa ku jira Faytamiin B12 aad u badan oo lagu qiyaaso in ay saddex laab ka badan tahay, xaddiga uu qofku maalintii uga baahan yahay Faytamiinkan. Sidoo kale waxaa beerka ku jira Kalastarool, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in cunista beerka aan aad la isugu badin. Waxa kale oo ay takhaatiirtu ku taliyaan in beerka si taxaddar leh ay u cunaan dadka qaba dhiigkarka, xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga, wadne xanuunka iyo macaanka.