Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

New York Times .. Dhaxal Suge Maxamed Bin Shiikh Zaaiid Waa Siyaasi Ay Balo Ka Dhacday Oo Marku Xoogaa Qanjir Ah Tuuro La Daba Raqleeyo

Friday - June 7, 2019



Wargeyska  New York Times ayaa sheegay in sannadkii 1991-dii in Maxamed Bin Zayid oo maamula dhaqaale gaaraya $1.3 Trillion Dolar, taaso ka badan mida u haysto Dal kasta oo aduunka ku yaal uu bilaabay in uu Maraykanka hub iyo diyaarado dagaal ka iibsado kadib dagaalkii Gacanka.

30 sanno kadib xilligaas, wargeyska ayaa sheegay in dhaxal-sugaha oo ah maamulaha magaalada Dubai, iyo Amiirka sida dadban u maamula Imaaraatka, uu yahay ninka ugu awoodda badan dunida Carabta, yahayna kan ugu saameynta badan.

Maxamed Saameynta uu ku leeyahay Maraykanka ayaa ah mid aad u ballaaran, gaar ahaan wuxuu wargeyska sheegay in uu ku fiican yahay sida uu Maraykanka ugu qancin lahaa wax kasta oo uu doonayo, Balse sidaas oo ay tahay wuxuu wargeyska tibaaxayaa in amiirka uu hareer marayo Maraykanka, uuna gaarayo go'aanno kaligiis ah oo hawlgalo uga samaynayo Yemen, Soomaaliya, Liibiya iyo waliba Masar oo uu ciidamada ku taageeray in ay xukunka la wareegaan.

Dublamaasiyiinta Reer Galbeedka ayaa sheegay in Amiirka uu aad ugu khafiifay arrimaha Iran iyo ururka Ikhwaanka .. Maxamed Bin Zayid ayaa ka shaqeeyay xiriir dhow oo uu la yeesho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xitaa ka hor intii uusan madaxweyne noqonin.

Waxa uu wargeyska sheegay in uu galaangal dhow la yeeshay dadka ku xeeran Trump, isla markaana ka saxiixday heshiisyo ciidan iyo kuwa ganacsi .. Waxaa la sheegay in uu isku dayay in uu dhex-dhexaadiyo Maraykanka iyo Ruushka.

Ugu yaraan illaa 5 qof oo u shaqaynaysay Maxamed Bin Sayid, Dhaxal-sugaha Imaraatka, ayaa lagu hayaa baaritaano waaweyn oo ka socda Maraykanka, taaso keentay inu muddo labo sanno ah ma uusan soo booqanin Maraykanka, inkasta oo markii hore uu si joogto ah u tagi jiray .. Maxamed Bin Zaid Isaga oo 18 jir ah ayuu ka qalin jabiyay jaamacad ku taalla Ingiriiska, wuxuuna bartay duulliyenimo.

Waxaa la sheegay in uu yahay nin aad u firfircoon, shirarka aanan ka soo dib dhicin, go'aanadana si dhaqso leh ku gaara .. Saraakiisha Maraykanka waxa ay ku tilmaameen nin laab furan, aan isla weyneyn, qaxwihiisana isaga shubta .. Waxa uu aad u jecelyahay Maraykanka, wuxuuna sheegaa in carruurtiisa uu xitaa u dalxiis geeyo meelo ku yaala dalkaas.