Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 23 August 2019

Taariikhdu Waa Tusmo Wixii Tagay .. Raiisal Wasaarihi Hore Ee Hindiya Indira Gandi Iyo Tiraabti Qeexneyd Ee Ay Ka Gunuday Halgamihi Aabeheed Jawahir Nehru

Sunday - June 9, 2019


Taariikh iyo Dhacdo Waliba Xusuusteed .. Raiisal Wasaarihi hore ee dalka Hindiya Indira Gandi oo xiligi 1966 illa 1967 jagadaas haysay, oo haddana markale noqotay Raiisal Wasaare sanadki 1980 illa la dilay sanadki 1984, ayaa buugeeda qoraal ku xustay: Su'aal ay Aabeheed Jawara-lal Nehru mar weydisay oo ay ku tiri: Aabbe Maxaa dhacaya haddi Ciidamada Milatariga la wareegaan awooda dalka?

Mudane Jawahar-laal Nehru oo ahaa Riisal Wasaarihi ugu horeyey dalka Hindiya oo su'aashaas gabadhisa ka jawaabaya ayaa yiri: Ciidamada haddi ay xukunka qabtaan waxaa iimaaneysa teyda baan ku soconaya, dabadeedna burbur ayaa ku yimaada dhaqaalaha dalka .. Indira Gandi ayaa isla markiiba haddana tiri: oo Aabbe haddi dhaqaaluhu burburo maxaa dhacaya .. Jawahar-lal Nehru ayaa yiri: haddi Dhaqaaluhu markaa burburo, waxaa lumeysa akhlaaqda dadka .. Indira Gandi iyadoo dhoosha ka qosleysa, ayey haddana tiri: oo maxaa dhacaya haddi Akhlaaqdu lunto.

Jawahar-lal Nehru oo Jawaab siinaaya Gabadhiisa Indira Gandi ayaa garad sareya ku yiri: oo maxaa u haray dal Umaddisi akhlaaqdi dhawr-sanaanta ka lunto, wuxuu yiri ummad waa jiri-karta haddi soorta iyo cuntada noloshu ku yaraato, laakiin haddi akhlaaqdu luntu waxaa dhumaya kala garashada xumaanta iyo wanaaga, oo damiirka iyo xadaaradi dadka ayaa markiiba burburaaya, waxaa meesha ka baxaya ayuu yiri adeegsiga Caqliga, waxaa bulshadu noqoneysa Bahalo ka aradan akhlaaqda wanaaga, dad cun ah oo ku xad gudba xuquuqda insaanka (Sharciga iyo cadaalada oo laga talaabsado, been la kal sheego, indhaha faraha la iska galiyo, Xusul Duub Qaraabasho ninba wuxuu heli karo, xatooyada xoolaha dadweynaha oo la xalaaleysto, Dil, Dhac, Kufsi, duhur cad la isu bareero iyo halyeeyadi, wax-garadki iyo waayo-aragi oo dalka ka dhamaada iyo wax la mida)  waxayna umadaas qaranimadeeda iyo noloshooda ku dambeyneysa karama daro, baaba', xishood la'aan iyo mirqaanka fasaadka falaadkiisa oo kaalin ka qaadata hagista dalka iyo dadka, iyo ugu dambeyn dalkaas oo noqda Kudaafad

hits Hits : 1226