Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

WiKiLeaks Galdogob Times .. Jeneraaladi Sudan Ee La Baxay Walaalaha Tawrada Oo Dube Weyn La Soo Kacay Tusbaxa U Rogay Shacabkoodi

Monday - June 10, 2019


WikiLeaks Galdogob Times Oo War Ka Buuxo, ayaa si aada u xuuraantay si xaal yahay iyo xaalada ka Oogan dalka Suudaan oo ay ku tilmaantay mid khatar-teeda isa soo tareysa, Waa sida ay war xuuraanka ku heshaye waxaa mustaqbalka dhici-karta in hadafka fog yahay in beelo fooda la isu galiyo, dabadeedna dalkaa u mugdi galo, waayo xaalada taagan waxaa Sun u kar-karinaaya dawlado si gaara u daneynaya wadaankaas oo raba in danahooda ay halkaas ka arkaan, laakiin dawladahaas waxay hilmaansan-yihiin in ay iyagu yihiin kuwa ugu horeeya ee dhadhamin-doona Suntaas, waayo waxaa la leeyahay shacabki Sudaan ciilka ay qabaan ayaaba maal-mahaan ku wardiya iney ka aargoosan-doonaan xeesha iyo is tabceynta ay wadaan Amiirada Sacuudiga Iyo iimaaraadka

WikiLeaks-ka Galdogob Times ayaa sido kale xog ku helay in masuulliinta boqortooyada Sacuudiga iyo sido kale dawlada iimaaraadka ay marar badan si xusul duub ah Marsada Dayaaradaha Khartum ay ka soo dajiyeen Hub kala duwan halac naareed tuura iyo buundado lacago Doolar sidi doog baxay oo lagu tala galay kala furdaaminta hawlgalka ciidanka iyo weliba gaar ahaan in lagu fuliyo hawlaha ka hortaga kacdoonka shacabka.

Warka ayaa intaa raacinaaya in Jeneraalka dilaaga qaatilka loo yaqaan oo hadda golaha milatariga itaal ka dhex sheegta ee wax aan xabad ahayen xal u aqoon ee la yiraahdo Maxamed Xamdaan Xamiidati u yahay nin damac ku jiro oo haddana dhooqo ku dhex batalaq-sanaaya, illa iyo haddana wuxuu ku si indha cadyahay isagoo taageero ka helaaya amiirada iimaaraadka iyo Sacuudiga inu mar ay tahayba awooda dalka ku soo boodo, waayo waa shakhsi u xuub-siibta kuna abtirsada madaxna ka ah maleeshiyaadka Jan-jawid ee ku caan baxday gabagabeynta iyo gumaadka dadka Suudaanta .. Jeneraalkaas ayaa dabada u ruxaya oo aad mooda inu khasab ugu mehersan-yahay, isla markaana Saacad-Saacad si toosa khadka is gaarsiinta isugu xiran-yihiin isaga iyo amiirada iimaaraadka iyo kuwa Sacuudiga oo dhinacooda si hoose wax unkamaya taladana jeneraaladu ka qaataan

War xuuraanka ayaa sheegaya in dalka Suudaan illa hadda shacbka kacdoonsan iyo golaha milatariga qoloba meel gaara ku go'doonsan-tahay, aduunkana illa hadda wax irbad dun galiya waa la la'yahay oo shaqaaqadaas xal u hela.
NB- Ka xigasho Rag Ka tirsan Jaaliyada Suudaanta oo Aan La Kulmay