Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Gantaaladi Xuutiga Cirka Loo Diray Oo Fool La Maqan .. Marsooyinki Dayaaradaha Sacuudiga Oo Wada Qiiqaya .. Amiir Maxamed Bin Salmaan Oo Filan-Waa Ka Hor Yimi

Wednesday - June 12, 2019



Riyaad: Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ayaa xaqiijiyey inay 26 qof ku dhaawacmeen Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku soo rideen Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Gobalka Casir ee K/galbeed ee dalkaasi, kuwaaso maalmahaanba la beegsanaayey Garoomada Sacuudiga

Ganatalkaas ayaa Sacuudiga waxaa uu sheegay inay ku dhaawacmeen 26 ruux oo u badnaa Rakaab u dhashay dalal kala duwan, kuwaas oo xilliga Garoonka la weeraray sugayay inay ka dhoofaan.

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu sacuudiga hoggaamiyo oo dagaalka ka wada dalka Yaman ayaa sheegay in dadka khasaaraha ka soo gaaray Gantaalka ay ku sugnaayeen Halka Diyaaradaha laga raaco ee garoonka,isla markaana dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalada dalkaas.

Dhinaca kale, Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Afka Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxa uu saacadihii hore ee saaka baahiyey inay Gantaal noociisa ahaa Cruise missile la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalladda Abha ee Sacuudiga, waxayna sheegeen in halkaas burbur xun soo gaaray

Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan Gudaha dalka Sacuudiga, hayeeshee weerarkaan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa weerarada ay Xuutiyiinta ka geysteen dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa maalmihii dambe ku doodayey inuu Sacuudiga hub ka iibin doono si ay isaga celiyaan Xuutiyiinta Yeman, waxaana arrintaas ka dhalatay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Congress-ka Mareykanka iyo Trump.

Xuutiyiinta Yeman ayaa horey u ballan qaaday inay Sacuudiga dalkeeda ka dareemi doonto dhibaatada ku heyso Yeman isla markaasna ay ka dagaalami doonaan gudaha Sacuudiga.