Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Alifka Kaa Xumaadaa Al-Baqruu Ku Qabtaa .. Xaaf Oo Ka Baxay Xulafadi Ay Wax Wada Walaaqan-jireen Ee Ahlu-Suna Kuna Dhawaaqay Doorasho Ka Dhacda Cadaado

Sunday - June 23, 2019



Madaxweynaha Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay go’aan xasaasi oo lama filaan ah oo u muuqda inuu soo afjarayo xiisaddii iyo loolankii siyaasadeed ee Galmudug.

Xaaf ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu burburay heshiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca, islamarkaana la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu dhammaaday khilaafkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado, islamarkaana ay si wada jir ah u qaban doonaan dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug.

Go’aanka Xaaf ayaa yimid saacado kadib markii uu ka tagay magaalada Dhuusomareeb oo ay ka socdeen wada-hadallo u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu-Sunna, oo la doonayey in isaga lagu tuuro.

Dad ku dhow Xaaf ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay isaga oo ku xumaynaya Ahlu-Sunna, islamarkaana hadda joojiyey meel aysan ku lahayn awood ay kula gorgortamaan dowladda. Xaaf ayaa dareemaya in Ahlu-Sunna ay dhabarka ka toogatay.