Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hargeysa: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gudoomiyaha Baran U Magacaabay Nin Si Xag Jir Fog Uga Soo Horjeeda Somaliland

Monday - June 24, 2019


Su’aalo badan iyo doodo kala aragti duwan ayaa ka dhashay masuulka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay guddoomiyaha gobalka Baran, kaddib markii uu soo baxay xiriirka ganacsi iyo siyaasadeed ee uu waqti aad u dhow la lahaa dawladda Puntland.

Xil-ka-qaadis iyo magacaabis kooban oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sabtidii 22 -ka Juun ku sameeyey xukuumadda, ayaa uu xilka guddoomiyaha gobalka Baran u magacaabay Mudane Maxamed Xaamud Cumar. Xilkaas oo uu dhowaan banneeyey Cali Xuseen – Cali Somali oo isaga iyo ciidamo deegaanka ka mid ahaa u goosteen dhinaca maamul-gobaleedka Puntland.

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey baraha bulshada Somaliland ku xiriiro aad la isugu gudbinayey muuqaallada guddoomiyaha cusub oo ku labbisan dhar ka samaysan calanka Soomaaliya iyo calaamad muujiinaysa in uu u sharraxnaa baarlamaanka Puntland.

Warar dheeraad ah oo la helay waxa ay sheegayaan, guddoomiyaha cusub ee uu madaxweyne Biixi u magacaabay Baran, oo ka mid ahaa wafti madax dhaqameed hoggaaminayey oo dhowaan yimi Hargeysa, in uu ahaa xagjir si fog uga soo horjeeda Somaliland iyo lahaanshiyaheeda gobalka Sanaag.

Warku waxa uu sheegayaa in guddoomiyaha cusub uu xiriiro adag oo dhinaca siyaasadda iyo ganacsiga ah la lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), iyo siyaasiyiin reer Puntland ah. ka hor intii aanay dhowaan ku kala fogaan caro la xiriirtay magacaabista golaha xukuumadda cusub ee uu madaxweynaha Puntland dhisay markii la doortay kaddib.

Mudane Maxamed Xaamud Cumar waxa oo ahaa murashax u tartamay xildhibaan Baarlamaan, balse aan ku guulaysan, ayaa uu warku sheegayaa in uu qayb ka yahay saamileyda shirkadda SANAAG CONSTRUCTION CO, oo ka diiwaan-gashan Puntland, isla markaana uu ahaa guddoomiyaheeda.