Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Trump Faanka Duleeyey Iyo Inu Yahay Haadka Kaliya Ee Hawada Duula .. Fud-fudeydka Jeeyshka iiraan Oo Awood U Yeelatay Iney Leeb Gantaalo La Dhacdo Diyaaradaha Mareykanka

Tuesday - June 25, 2019



Kadib markii diyaaradi Mareykanka ee basaaseysay geyga iiraan la soo riday, waxaa lagu soo waramaya in mareykan ay arintaa ka dhaxashay Tagoog jabtay oo cawradoodi awood banaanka u soo baxday, taaso sumcadi mareykanka Xaga milatariga ee la oran jiray Libaax yaa shuqeyn-kara iyo waa Haadka kaliya ee hawada duula Ee aan wax loodin-kara aysan jirin ay markaan damqasho ku timi

 Sida xog-ogaalada siyaasiyiinta ay sheegeen waxaa muuqatay in marki mareykanka diyaaradi si lama filaan ah looga soo riday ay dhacday in madaxweyne Trump sidi loo lahaa waaba la ogaan wuxuu dagaal soo wado, waxaaba la arkay isagi ooba is dhiibay oo iiraan ugu dambeyn u mahad naqaya, waayo waxaa la yaab ku noqotay in gantaalka diyaarada lagu soo riday oo aan ahayen mid lagu soo sameeyey Ruushka amase shiinaha, balse lagu sameeyey farsamo gacan iiraan.

Amuurta kale ee la yaabka noqotay caalamka waxay ahayd markii mareykanka ku andacooday in diyaarada ay gudeysay hawada caalamiga ee aysan ahayen hawada iiraan, laakiin taas waxay beenoowday kadib markii Burburki diyaarada ay iiraaniyiinta soo saareen oo iyado kala dhigdhigan banaanka soo dhigeen, isla markaana Gaashandhiga Ruushka u cadeeyey in diyaarada ay soo gashay hawada iiraan .. iisha waabaneysa waa ha ku waano qaadato.

Ameerika oo aan lagu aqoon iney dad iyo ummado u naxariisato ayaa madaxweyne Trump oo dhuxulo dab la wareega ku dooday in dagaalka sababta uu u joojiyey ay ahayed in 150 qof oo iiraaniyiin ah ay ku dhimanayaan oo taas darteed isaga daayey inu bartil-maamedyada gantaalada iiraan garaaco .. Taa waxaa laga yiri Trump miyuu ilaawsan yahay boqolaalka kun u sida gardareysiga ah xabaalaha ugu riday sida dadyooga Afgaanistaan , Vetnam, Ciraaq, suuriya iyo liibiya,

Ameerika waxaa la sheega iney haysato illa 10.000 Atoomikada wax gumaada iyo maraakiib dagaal oo waaweyn iyo waliba kuman-yaal diyaaradaha dagaalka, hadaba iyado ay awoodaas leeyihiin ayey si foolxun ugu jabeen Afgaanistaan, Vitnam, Ciraaq iyo Suuriya, waana ku jabi-karaan iiraan ayaa la yiri