Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Beelo Fooda La Isu Galiyo Misna Laga Galgasho .. Madaxweyne Xaaf Oo Khyre Ku Soo Dhaweeyey Degaanka Godinlabe

Wednesday - June 26, 2019




Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safar dhinaca dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray deegaanka Godinlabe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kaga hortagay Godinlabe, waxaana la filayaa in loo soo galbiyo magaalada Cadaado oo ay caawa ku hoyanayaan.

Labada dhinac ayaa kulan kooban ku yeeshay bannaanka deegaanka, oo ay isku gacan qaadeen, waxaana ka muuqatay isu dhoola cadeyn.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka ay soo gaaraan Cadaado waxay kulamo rasmi ah la yeelan doonaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Xildhibaanada ku sugan deegaanka iyo odayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira in sidii Maamulka Galmudug wadajir loogu dhisi lahaa, iyadoo dadka deegaanka ay u dhan yihiin, waxaana dowladda Federaalka ay meesha ka saartay isku day markii hore la qabay oo ahaa in hal dhinac ay la xaajooneyso oo kaliya.

Labada dhinac ayaa hadii ay is faham ka gaaraan arrimaha doorashada iyo qaabka loo wajahayo, waxaa laga yaabaa in laga soo saaro war murtiyeed loo dhan yahay, balse waxaa ka horeeya caqabado dhowr ah oo xalinteeda ay qaadan doonto muddo.