Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Hambalyo .. Somaliya Oo La Wareegtay Dhaqaalaha Ka Soo Gala Hawadeeda

Friday - June 28, 2019



Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiis la saxeexatay Hay’adaha kala ah ICAO iyo IATA , heshiiskaa oo ku saabsan dakhliga ka soo xereedo hawada Soomaaliya, dhaqaalahaas oo toos ugu soo xeroonaya khasnada dawlada Soomaaliya bil ka dib 30.07.2019, isla markaana waxay xukuumadda Soomaaliya la wareegtay maamulida iyo mushahar siinta Shaqaalaha ICAO.

Waa markii ugu horaysay tan iyo 1991 ay Hawada Soomaaliya maamul iyo dhaqaale ba ay gacanta dawladda Soomaaliya dib ugu soo noqotay.

Somaliland oo asbuucan rajaynaysay inay kulan baaqday Kenya kula yeelato dawlada Somaliya ayaa halkaasi u dirsatay agaasimaha maamulka duulista iyo hawada si ay ula garanto qaybteeda dhaqaalaha ku dhaca gacanta dawlada Somaliya.

Dawlada Somaliya oo shirkii Turkiga ee 3sanno ka hor Somaliland kula heshiisay in hawada Somaliya laga maamulo Hargeysa ayaa markii dambe kaga baxday si toosna ula soo wareegtay.