Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Hadal Waliba Meeshi .. Dharaar Waliba Hadal Haynteed .. Maxamed Qanyare Iyo Waxa Ay Kaga Tagtay Xasuusta

Saturday - June 29, 2019



Waxaa Magaalada Mogdisho ajashiisi ku dhamaatay Allaha Ha U naxariiste Maxamed Qanyare Afrax oo sida la sheegay waqtiyadaan dambe gabow si nug-leeyey ayaa haddana muddo xanuun la daala dhacayey .. Maxamed Qanyare isagoo sarkaal xigeen ka ah poliska somaaliyeed ayuu lixdamaadki baxsad ku galay cariga Kenya, dabadeedna halkaas ganacsi ka raajiciyey oo u ku noola muddo dheer.

Maxamed Qanyare, ayaa ka mid ahaa Shakhsiyaadki USC ee qurbaha ka soo dhiibi jiray mididi lagu kala jaray beelaha somaaliyeed iyo fadqa-laladi dhibti dagaalki sokeeye ee boqolaalki kun Qax iyo Baqool ku barakacay ee ku halaagmay dagaalki sokeeye .. Qanyare inkasto maamulki Maxamed Siyaad u inta badan si kutri-ku teena, wax jira iyo waxaan jirinba wax uga sheegi jiray, isla markaana u ka mid ahaa ragi wax ka abaabulay ku talax-tagi boobka hantida lagu hayaamay iyo dilka ka bilaabmay magaalada mogdisho iyo nawaaxigeeda, wuxuu marki dambe inta badan lagu xariiriya inu baaqiisi la dagaalanka Xukunki Siyaad Bare u isu badalay in reer Somaaliyeed la mooroduugo oo dagaal weerar iyo duul ooman lagu si daayey beelaha Daarood ee mogdisho deganaa ilaa mooryaanti iyo reer miyigi baadiyaha ka soo daatay ka yiraahdeen: Allahayow Jano ma galnay

Maxamed qanyare oo xag-jirnimo qabyaaladeed ku waalaa, ayaa si qaawan ugu baaqi jiri " Qarnigu Waa Kaayagi Iyo Waa Qarni Hawiye" ayaa marar badan coodkiisa duuban laga ogaaday sida hadal iyo hardiba uga dhamaatay iyo hawlgalki u ka waday mogdisho, iyo sido kale xiriirka u la sameeynaayey Ragi shaqaaqada khasaare ka abaabulaayey bulshada dhexdeeda ee sida bareerka ah u cadeystay beenti qabyaalada la qurxiyey baarka firatay aan cidna lagala gaban jirin amase har-cad dariiqa mogdisho lugeyneysay ee ahayed " Hawiye-yisim" ee marki dambe xaqiiqadeedi gunti la soo taabtay, balse kuwi wax wada walaaqanaayey isla markiiba isla-ba rogtay waqti aan aan ka fogeyn bilawgiiba xabaalaha la is dhigay, ay iyagiiba birta isku asleen taaso dhaxal siisay in Reer Mogdisho iyo Ragi magaca lahaa ay iska laayeen awgeed aysan ku harin cid maanta garasho loo daba fariisto amase laba waxarood kala saari-karta .. sido kale Qanyare wuxuu laf-dhabar u ahaa hawlgalki dhlinyaradi la magac baxday Fay-Cali ee dadka xaafadaha ku layin jirtay iyo waxyaabo kale oo aan halkaan lagu soo koobi-karin.

Waxaan daah saarneyn in fidnadi u bilaabay Maxamed Qanyre ay somaliya soo martay maraxalad Adag ee leh, Colaad, Abaar iyo Gaajo oo welina saameyn-teedi ila hadda lagu jiro, waxayna ummadu waqtigaas dawlad la'aanta ahayd gaartay xili ay yiraahdaan ilaahow hadaad dawlad wanaagsan noo weyday mid xun ma noo weyday, taaso micneheedu ahaa in loo baahaday dawlad nooc ay doontaba ha noqote .. ilahay oo naxariistiisa badantahay wuu ajiibay codsigi adoomadiisa, waxaana shacabki qaylinaayey u dhalatay dawlad qof waliba wuxuu rabo nooceeda ha ku sheege.

Ma Rabo inaan qoraalkaan ku dheeraado oo arintu si kastaba ha noqote, Nin-kasta oo geeriyooda oo muslim sheegta Wanaag iyo Qalooc farxad iyo murug key tahayba waa mudanyahay in tacsi ehelkiisa loo gudbiyo waana waajib in Alle loo baryo oo la yiraahdo Alaha Ha u Naxariisto, cafisna waa halkeeda laakiin inta badan layskuma raacsana dhacdada taariikhda iyo sida wax u dhaceen oo qofba si un buu wax u sheega, balse waajibka qofkasta taariikhda meeshu ka galo waa in aan laga been sheegin oo wixii jiray ila xad la tilmaamo, waayo Taariikhda hadaad is tiraahdo sida aad rabto u dhig uma dhigmeyso, balse hebel difaaciisa amase ka been sheegi-diisa ma aha wax ay micno sameyneyso.