Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dhaqanka Somali Ninka Fuleynimo Ku Sifooba Dadnimada Kale Oo Dhan Waa Laga Qaada .. Laakiin Cigaal Shidaad Waxaa Laga Dhigay Fulay Qalbi Wacan

Monday - July 1, 2019



Cigaal Shiidaad, waxa uu ahaa Nin xigmad badan oo fulaynimo lagu xanto, laakiin waxa la sheegaa inu ahaa Nin fulay-nimadiisu xigmadi ku jirto oo ilaa hada soomalidu way isticmaashaa hadaldiisii ama maah-maahihiisii .. Sheekooyinka Cigaal waxaa lagu tiriya sheekooyinka hidaha iyo dhaqanka u ah umadda Somaliyeed, laakiin waxay ku dhawdahay in dhawaan sheekooyinkaas la waayo.

Lama Yaqaan Cigaal Shidaad halka u ku dhashay iyo Qabiilka u ka soo jeedo, laakiin waxaa la tilmaama inu mar dagaalki Axmed Guray ciidamadi si raacay, walow kuwa kale ay yiraahdeen in bilawgi duulaanki daraawiishta u isku tirin jiray inu yahay Darwiish

Qoraa weyn Talyaani Ah oo sheekooyinka Cigal Shidaad Akhriyey ayaa ku tilmaamay in Cigaal Sheekooyin-kiisa la oran karo waa kuwo caalami ah oo la tartami kara suugaanta iyo sheekooyinka dnida ka jira, wuxuu kalo tilmaamay inu ahaa Ninka Somaalida inteeda kale ka duwan oo caqli badanaa, balse garatay qiimaha ay leedhay nolosha iyo qiimaha nafsada, laakiin Dadka Somali ninkaan duunyadooda iyo delagooda beeraha Dab ku shidin dirac uma yaqaaniin, waxuuna soo jeediyey in Ninkaas loo dhiso Taalo lagu xasuusto laguna xardho inu ahaa Oday Si fiican u fahmay qiimaha ay leedahay nolosha iyo Nafsada.
 
Hasa ahaate waxaa warkii Qoraaga Talyaaniga ka daba qaatay Digtor Maxamed Aadan Shiikh Oo mar dawladi Siyaad Bare ka ahaan jiray wasiirka caafimaadka, ayaa war celin warkaas Qoraaga si qiiro leh u ridiyey oo yiri: Xaajo nimaan ogeyn baa indhaha ka rida, Hadaan nahay Somaalida waxaad meel uga dhacday magaca iyo karaamada bulshada somaliyeed, waayo Somalida waa ku ceeb in Nin fuley ahaa lagu sheego geesi iyo wax la mida .. dhaqanka somalida ayuu yiri badanaa ninka fuleynimo ku sifooba dadnimada kale oo dhan waa laga qaada .. Xagee bey u soo martay Cigaal geesinmada aad sheegtay. oo kan diraca maxaa la oran.

Kuwa Ka Mida Sheekooyinki Cigaal Ee Ahayd: War Amay Nagu Daraan Inkaar Qabaha

Wiil uu Cigaal Shidaad adeer u yahay ayaa la dilay markasaa waxaa ay dhaheen tolkisii aanu ka soo aarsano oo u soo aarno willkenii .. Cigaal Shidaad ayaa loo sheegay inay Ragu ku tala galeen inay usoo araan wiilkii uu adeerka u ahaa markasuu Cigaal wuxuu yiri isagoo isla hadlaya, " war inkaar qabaha armay nagu daraan anagana" sidii baa dagaal loogu diyaar garoobay.

Cigaal oo ahaa ninka Raga ugu geesisan sida sheekada ka muuqata, Raga geesiyada ahna fardaha kuwa ugu dhereeya ayaa la siin jiray .. Waxaa dhacday in Cigaal faras orod dhereeya la siiyey. waxaa dhacday faraskii inuu dadkii oo dhan kala dhex-baxo .. Cigaal oo saaran ileen fardaha oo dhan ayuu ka dheereyaa. cabaar markuu ka hor maray dadkii oo dhan ayuu Cigaal Shidaad is yiri " war balaayadu armuu Col ii la galaa dhereyaa" Cigaal hal mar buu iska tuuray faraskii oo gurigii dib ugu soo laabtay.
Dadkii ayaa wareestay oo yiri "WAR CIGAAL MAXAA DHACAY SOTAAD DAGAALKII KA QAYB GASHAY MA AHAN" Cigaal wuxuu ku jawaabay " Waa la isku baa-ba'ayoo faraskaygii waa dhintay oo manta Waran-baa caloosha ka soo riday" sheekadii isagoo wada ayaa faraskii soo Ciyay oo Guriga gasadiisa soo istaagay, markasay dadkii dhaheen Alla waa faraskii Cigaal Shidaad Waa Kanaa. Cigaal intu isla hadlay ayuu yiri "Sharafta Alla Kaa Qaad, Muu-sugo intaan Hadalka Dhameenayo"