Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2020

Geeridi Imaam Bukhaari Waxaa Dumay Oo Shiiqay ILeyski Aqoonta Ee U Ifiyey Shucuubti Samarqand Iyo Reer Bukhaari .. Taariikh Kooban Imaam Al-Bukhaari "Raxima Hu Laa"

Friday - August 16, 2019


Bukhaari Magaciisu waa: Abu-Cabdullahi, Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim, ibnu muqiirah, ibnu Burdazbah Al-Jacfi .. Al-Bukhaari wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara, oo ku taal dalka maanta loo yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu ahaa 194H 13-ka bisha Shawwaal habeen jimceed, asalkiisu wuxuu ahaa Faarisi .. Bukhaari Aabihi oo caan ku ahaa uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga ( SCW) wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga tagey hanti fara badan. oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis  Maalkayga oo dhan ma garanyo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis.


Dadka inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal tooyada umadda Islaamka kitaab-kiisa loo yaqaan Saxiix-ul-Bukhaari laakiin isagu uu u bixiyey Saxiixul Jaamic oo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran .. Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaqsantahay inuu yahay Bukhaari Imaamu ahlul Xadiis iyo ninka ugu xifdin badan sunada Nabiga (scw) 

Imaam Bukhaari Sideed-iyo-tobon markuu jiray wuxuu la xajiyey hooyadii iyo walaal kii Axmed, Xajka ka dib Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray Xaramka, ka dibna wuxuu qoray kitaab uu ugu magac daray “Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin”. Wax yar ka dib wuxuu aadey magaaladii Nabiga (scw) Madiina ee nabi maxamed SCW ku aasanyahay , intuu joogeyna wuxuu qoray kitaabkiisii caanka ahaa ee “At-Taariikh al-Kabiir.”

Imaamku wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga (scw). Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeeldheerayd xilligiisii, waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo. Asagoo taa xusayana wuxuu yiri, Cilmi dalabka waxaan u aaday Masar iyo Suuriya laba goor, Basrana afar goor, lix sanaan Xijjaaz u joogey,inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u raacayna maba koobi karo.

Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada tahay,  iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn.

Imaam Bukhaari Markuu magaalada soo galay, waxaa loo qabtey xaflad balaaran oo lagu soo dhaweyey ooy ka soo qeyb-galeen culumaddii Axaadiista ee reer Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna waxaa Bukhaari loo soo bandhigay boqol xadiis oo kas loo marooriyey ula kacna leys ku daba mariyey, Sidii lagu yaqaaney Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu mid-mid u dhiraan-dhiriyey Asnaadoodii saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka saaray (marlabaad buu ugu celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga (scw) looga wariyey u qaadaa dhigaya ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka Nabiga (scw).
 
Imaamka waxaa lagu yaqaaney deeq, zaahidnimo iyo Alle ka cabsi. Wuxuu ahaa nin Adduunku uusan agtiisa wax ka aheyn. Imaamku Sidii culumaddii la xilli ahaa lagu yaqaaneyba, Allaah nin ka baqa buu ahaa. Nin cibaado badan buu ahaa. Waxaa la wariyey inuu maalin walba oo bisha Ramadaan ka mid ah uu Qur’aan-ka dhamayn jiray. .. Welligiis qof xummeeyey uma caroon baa la wariyey xagga zaahidnimada.

 Bukhaari waxuu ahaa nin caato ahoo cuno yar oo meel dhexaad ah aan dheerayn gaabnayna, wuxuu ahaa nin timo jilic-san, waxuu ahaa nin axsaan badan aadna deeqsi u ah, xataa waxaa la wariyaa inuu hal-maalin sadaqaystay 3000 oo dirham, wuxuu ahaa nin warax xalaal quudato ah, waxuu ahaa nin taqi ah oo cibaado badan wuxuu kaloo ahaa marakay soo gasho bisha Ramadaan Quraanka wuxuu dhamayn jiray maalin kasta.


 Markuu muddo ka maqnaa Bukhaara ayuu bukhaari go’aansaday inuu ku laabto dad-kiisii iyo magaaladiisii. Markey maqleen reer Bukhaara safarka bukhaari ee xagooda ah, farax iyo ray-reyn baa ka buuxsamay. Waxay diyaariyeen qaabilaad aan hore loo arag, xatataa magaalada duleedkeeda bey Teendhooyin ka dhiseen. Markuu Bukhaari magaalada yimid, wuxuu durbadiiba guda galay baarista Axaadiista Nabiga (scw) . Hase yeeshee waxaa damcay inuu handado,qash-qashaadna ka deyn waayey ninkii Bukhaara xilligaa waalli-ga (amiirka) ka haa ee la oran jiray Khaalid Binu Axmed Ad-duhaley  ugana ahaa Khuraasaan dowladii Cabbaasiyyiinta.

Wuxuu Imaamka ku yiri amiirkaas sida lagu yaqaan raga madaxda ah inay amar taag leeyaan, gurigeyga caruurta wax iigu bar, Bukhaari wuxuu si geesinimo leh ugu jawaabey, “Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo la meeraysto iridaha guryaha madaxda, ee haddii cidi rabto iney aqoon kororsato ha timaado dugsigeyga.” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha ku celiyey oo yiri “ Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado, ha la fariisin ardada kale ee gooni wax ugu dhig.” Bukhaari baa yiri, “Qofna kama mancin karo xadiis dhegeysigi.” Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax ugu dhigi mayo Imaamku Gacanta ayuu ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey Madaxtooyda taas oo ay ku guul daraysteen Culimo Badan oo joogta xili kasta, kuwaas oo ku mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaa’u Dowlah (culimada dowlada).

 Khaalid Ibnu Axmed, Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo waxuuna aaday magaalo kale oo ka tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis ah ay daganaayeen, laakiin  dulmigaas kama faa iidin Amiirkii Khaalid ee Bukhaari wuu habaaray ilaahayna waa ka aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee haystay Khuraasaan ayaa amray in xoolahana laga qaado xabsigana loo taxaabo Amiirkii isagoo Dameer saraan baa Jeelka la dhigay halkaas buuna ku dhintay Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee dulmi iska ilaali walibana midka culimada).

Imaamku waa ka xumaaday Tarxiilkaa lagu sameeyey  wuxuuna go'aansday inuu xagaa iyo Samarqandi, aado markuuse muddo usoo jiro ayuu maqlay in dadku asaga isku khilaafeen, aaraa kala duwanna ka qabaan. Ka dib Imaam Bukhaari wuxuu goostay inuusan magaalada gelin ee uu tuulo u dhow dego. Waxaa la wariyey inuu markuu tuulada degey Allaah baryey oo uu yiri “ Allow dhulkii Ballaarnaa wa ila yaraaday ee I oofso”  ka dibna wuu xanuunsaday.

 Imaamku Asagoo xannuunsan ayaa ergo ka socota Samarqandi codsaneysana inuu magaalada soo galo u timid. Markuu ajjiibeyna xanuunkii baa ku sii kordhay. Imaamku wuxuu geeriyooday habbeenkii Ciidu-al-Fidri-ga ee bisha Shawwal kawda aheyd, 256H. Cumrigiisu wuxuu ahaa Imaamka 62 sano oo laba-iyo-toban habeen dhimman  markii la oof-saday Imaam Bukhaari. Waxaa hubaal ah in sanadkaas qoraxdii aqoonta cilmiga xadiiska dhacday. Waxaa damay oo shiiqay ilayskii aqoonta ee u ifayey shucuubtii degeneyd Samarqand, Bukhara, Baqdaad, iyo Nisaabuur. Imaam Bukhaari, Allaha u naxariistee, si weyn baa loo tabey, Ragii xiligaa joogey ee gabayaaga ahaa waxay mariyyeen gabayo  boroordiiq ah ooy ku cabbireen siday Imaam-ka u tabeen.