Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 17 September 2019

Waxay Wadaageen Uurka Hooyada Iyo Naaska Caanaha, Balse Ma Wadaagi-doonaan Xikmada Iyo Garashada Alle Siiyo .. Haweyney Shan Caruur Ah Mar Kaliya Umushay

Monday - August 26, 2019



Haweenay reer Uganda ah ayaa markii ugu horaysay hal mar dhashay shan carruur ah, kuwaasoo kala ahaa Saddex gabdhood iyo laba wiil sida lagu sheegay Wargeyska Daily Monitor.

“Ma filaynin in ilmaha calooshayda ku jiray ay ahaayeen shan carruur ah, mar aan horay isbitaalka u tagay waxa uu dhakhtarka ii sheegay inaan mataano wado,” ayey tiri Sofiat Mutesi.

Maureen Babine, waa umulisada Sofiat Mutesi waxa ayna sheegtay in xaaladda carruurta ay aad u wanaagsan tahay.

“Muddadii aan isbitaalka ka shaqeynayay ma arag qof dhalay shan carruur ah, ilmaha si wada jir ah ayey u dhasheen.” ayey tiri umulisadda.

Sofiat Mutesi, ayaa ka soo jeeda tuulada Nawaikoke ee bariga Uganda, waxay horay u dhashay mataano iyo saddex carruur ah oo ay hal mar dhashay.