Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Nabsigu Xanuun Badanaa .. Madaxi Diwaanka Boqorka Sacuudiga Al-Qaxdaani Ee Maareeyey Dilki Wax-shinimada Khashoji Oo Sun La Qooshay Lagu Khaarijiyey

Wednesday - August 28, 2019



Warar ilo kala duwan laga xigtay ayaa xaqiijinaaya in madaxi diwaanka boqrtooyada Sacuudiga isla markaana ahaa la taliyhi dhaxal sugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan oo la yiraahdo Sacuud al-Qaxdaani dilmo Sun ah lagu khaarijiyey .. warkaas oo laga xigtay Nin inta badan ka hadla amuuraha sirta qufulan kuna magacaaban Mr. Ayaad Baqdaadi oo degan dalka Norwey ayaa bartiisa ku qoray in u hayo cadeymo la xariira dilka Sacuudi al-Qaxdaani oo illa hadda u mootan-yahay 6 maalmood oo isagoo sidi neef fuursan noqday dabadeed kafan lagu xirin iyo bila faataxo iilka la digay

Al-baqdaadi oo sido kale ka mida Raga u dooda xuquuqda bani-aadamka ayaa warkiisa ku sharaxay in Sacuud al-qaxdaani lagu dilay Sun loo hoos galiyey oo la yiraah " Toxic Cyanid" iyado amiir Maxamed Bin Salmaan uu isagu si toosa u cabsiiyey Suntaas kadib marki ay labadooda si gaara u wada casheyeen.

Ninka warka keenay ee al-Baqdaadi, ayaa ku adkeystay in Sacuud al-Qaxdaani dilkiisa ay xaqiiqo tahay, laakiin isha u warkaas ka helay u ku khasban-yahay inu qariyo sababo amni awgeed, laakiin wuxuu carabka ku dhuftay in hay'adaha sirdoonka Mareykanka ay iyagu laftooda xogtaan hayaan laakiin ka hadalka warkaas ay la sugayaan waqtiga ay is leeyihiin waa ku haboon-tahay.

Al-baqdaadi ayaa dhinac kale warkiisa ku taabtay in Amiir Maxamed Bin Salmaan oo inti mudo ahba naftiisa adkeysan-weyday murugo iyo culeys badan ka saarnaa dilki Khaashoogi, balse mar dambe ogaaday inusan si sahal ah uga bixi-karin dilki waxshnimo uu u geeystay Khashoogi iyo khuraafaadki beenta taariikheed ay dilkaas ka sameeyeen, taas ayaana keentay inu khaarjiyo la taliyihiisi Sacuud Al-Qaxdaani ee ka soo hor mutuxnaa, isla markaa kama marneyn in wasiirka arimaha dibada Mareykanka iyo Jarid Koshaner oo ah buurta u ku tiirsan-yahay Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa si ujeedo kaar jabin carada ka jirta caalmka loo qaboojiyo ay talo ku siiyeen amiirka inu isaga laftiisa is dhiibo ama si ay noqotaba iska fogeeyo la taliyihiisi Sacuud Al-Qaxdaani oo ahaa hormoodki iyo Ninki lahaa hindisihi lagu khaarajiyey Khashooji.

Dhinaca kale kooxo iyagana ka daba qaatay warkaas sheegaaya in Sacuud al-Qaxdaani La Khaarijiyey ayey faaladoodi ku tilmaameen in warkaas usan waxba ka jirin iyo cid dhag u dhigeysa oo al- Qaxdaani waa nool-yahay welina waa la taliye, balse ay tahay sheeko khiyaali huf iyo been ah iyo daba-gaaleyn u soo dhisay Dhaxal sugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan oo raba inu wax aan jirin ku raad gato, balse ujeedadiisu tahay dulmiga u galay in halkaas lagu ilaawo