Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Af-Noolina Waa Hadlaa .. Somaliya Oo Ashqaraar Ka Ridi-doonta Dacwadi Bada Iyo Kenya Oo Geed Ay Qabsato La'

Monday - September 2, 2019


Bishan September 9-keeda dalka Soomaaliya waxaa ay dood iyo difaac la hortagi-doontaa maxkamadda cadliga adduunka ee dalka Holland. Qareennada u doodaya Soomaaliya ayaa difaaci-doona dacwada badda ee Soomaaliya iyo iney Kenya ku soo xadgudubtay baddeena halka jawaabta Kenya ay isla maxkamaddaasi dhageysan-doonto 2 maalin kadib,  oo ah September 11, 2019-ka.

Inta aanan u gudbin salka iyo ujeedka dooddan cusub ee loo balansanyahay bishan, waxaa xusid mudan in horay Kenya looga adkaaday kadib markii ay diiday maxkamadda cadliga codsigii Nairobi ee ahaa in labada dal ay wada hadal galaan, isla markaana maxkamaddani aaney dhageysan karin dacwadda.  Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Haddaba, dooddan cusub ee 9-ka bishan bilaabaneysa waa kiiska dhabta ah ee muranka xadka ee badda, khariidado ayaa lala soo baxayaa 2-bada dhinac, qareennada Soomaaliya difaacaya waxaa ay meesha la tagi-doonaan caddeymaha xadgudubka ay Kenya ku sameysay dhul badeedka Soomaaliya, dhulkan oo baaxadda uu ku fadhiyo gaaraya ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Cabdulqawi  Axmed Yusuf.

Qareennada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya 9-ka bishan waa 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka,  Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag.

Abuukatayaasha:

1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C,  kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English.

2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah.

3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris.

3dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%.

Denjiraha Soomaaliya ee Belgium, Netherlands, Luxembourg (Benelux) iyo midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, oo ka tirsan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee qeybta ah kiiskan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Soomaaliya ay 100% diyaar u tahay doodda dacwada badda isaga oo intaasi raaciyey iney jiraan 2 sabab oo tusinaya in Muqdisho ay guusha ku raaci-doonto kiiskan: