Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 17 September 2019

Biddow Camalkaa Ku Sheeg .. Eeg Hantidi Ganacsatada Somalida Ee Johansberg Oo Niman Mergi-yada Iyo Muruq-yada Adag La Hardaafaya

Tuesday - September 3, 2019



Ciidamada Booliiska ayaa rasassta cinjirka ah ku kala eryay dadka geysanayay boob iyo bililiqo maalintii labaad ka wada dalka Koonfur Afriga waxaana la sheegay Inay gubeen gawaari fara badan oo yiillay hareeraha waddada.

Ciidamada Boliiska ee dalka Koonfur Africa ayaa xabsiga dhigay in ka badan 70-ruux maalmihii u denbeeyay, kuwaasoo falal bililiqo ah u geystay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajanabiga ah gaar ahan somalida ee ku sugan magaalada Johansberg .. Taliyaha booliska gobolka Elias Mawela, waxaa uu sheegay in 7 qof lagu xiray degmada Alexandra.

Bililiqada loo geystay dadka ajanabiga ah ayaa yimid xilli ay magaalada Johansberg ay ka socdeen bannaanbax ashtako ah oo lagu dalbanaayey in dalka laga saaro ganacsatada ajanabiga ah.

Guddoomiyaha xafiis goboleedka iyo saraakiil kale ayaa cambareeyay tallaabadaasi lagula kacay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajanabiga ah ee magaalada Johansberg.