Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 17 September 2019

Shar Iyo Kheyr Waa hadey Yurub Wax Soo Kordhinayaan .. Madaxweyne Ruuxaani Oo Markale Laba Bilood U Qabtay Dalka Yurub Si Loo Badbaadiyo Heshiiska

Wednesday - September 4, 2019


Madaxwayne Rouhani ayaa si kastaba ka digay in Tehran ay diyaarineyo xadgudubyo kale oo dheeri ah oo ay ku sameyso heshiiska kuwaas oo yeelan doono “saameyn aan caadi ahayn”

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska.

Sarkala sare ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska haddii lacagtaas dayn ahaan loo siiyeo, ama looga iibsado saliid, halka taleefishinka dowladda ee Press TV uu sheegay in Tehran ay diiday yabooha Midowga Yurub.

Iran ayaa ka baxday sanado badan oo go’doon dhaqaale ah, kadib markii ay heshiiska la gaartay quwadaha caalamka, sanaddii 2015, ayada oo dhaafsaneysa in cunqabateenada laga qaado, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka ayaa ka baxay heshiiska sanadkii tagay, dibna usoo rogay cunaqabateenada.

Rouhani ayaa ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto tallaabooyin dheeri ah shanta bishan haddii Faransiiska iyo dalalka ee Yurub ee heshiiska qeybta ka ahaa ayasan in ku filan ka difaacin Iran xayiraadaha Mareykanka.