Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Humaagi Habeensaday Halkee Buu Ku Dambeeyey .. Farmaajo Oo Barida Dhulka Ugu Dhuftay Xasan Kheyre .. Ha Ku Daayo Caashaqu

Monday - September 9, 2019


Warar xog daahsoon ah oo lagu qanci-karo ayaa xaqiijinaaya in Madaxweyne Maxamed Farmaajo Iyo Raiisal wasaarihiisa u soo kala dhex galay gudcur iyo khilaaf dhiisha buuxiyey oo markaan la filaayo inu hareeraha ka daato .. khilaaf-kaas oo natiijadiisa cidina saadaalin-karin inta badan salka wuxuu ku haya go'aano u maal-mahaan qaatay farmaajo oo diiday in cid ka daba hadasho .. si kastaba ha ahaate waxaa todobaadkaan u dambeeyey isa soo taraaya in labadaas masuul midkasta dhiniciisa dirir shaarka kor u duubtay

Waxaa kalo la soo xigtay in Madaxweyne Farmaajo u dhawr jeer kaarka ku rogay kheyre oo isago aan wax ogeysiin amase la tashan u magacaabay jagooyin kala duwan sida magacaabidi dhawaanta Duqa Magaalada , Taliyaha guud ee Boliska, Kan Nabadsugida iyo Taliyaha guud ee Ciidanka, taaso la sheegay in Riisal wasaare kheyre u si aada uga xumaaday, waxaana laga soo sheegay isagoo ku dhaga hadlaaya qaar u shaqeeya oo wixii uurka kaga jiray afka ka xadaya u yiri: Ninka aan duubka u xirnay, balan-qaad la galay, wuxuu u xuubsiibtay lagdin colaadeed iyo xumahayga, Mase noqonaayo doqon maqaar saar ah .. haddana sida dad xogogaal ay ka soo tabiyeen kheyre inkasto oo uu caro iyo kuleyl la jiifo wuxuu door biday inu illa mudo ku siman bisha february is qaad-qaadka farmaajo wax su'aal ka keenin oo ila xad hoosaasin ku si guul-wadeeyo

Dhinaca kale waxaa la tabinayaa in Raiisal-Wasaare kheyre isla toodobaad-kaan isagana dhiniciisa xumad jabin ciilki u qaaday awgeed u soo diyaariyey liis u ku magacaabay dhawr wasiiro oo qaarkood ku sameeyey isku shaandheyn qaar cusubna meesha soo galiyey, hasa ahaate marku ula yimid Madaxweyne Farmaajo si ay go'aan qaadasho uga sameeyaan waa la isku af-garan-waayey oo kheyre halkaas candhuuf-tiisi dib u liqay, kadibna Maca-salaama iyo Maca-salaama warkoodi ku dhamaaday .. Waxaa la sheegaya in mid-kasta u hoosta ku haysto arimo mid-ba kan kale koobka is reeb-reebka ee final kick out-ka ku mashquulsan-yahay oo goor ay noqotaba khilaafkooda dhawaan soo shaac-bixidoono.