Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Geele Iyo Guuleed Kala Guurka Fedaralka Iyo Jubaland .. Axmad Madoobe Oo Ku Hanjabay: Farmajo Haddu Jubaland Cunaha Dig-siiyo Ana Kenya Difaac Baan Ka Dhigan

Thursday - September 12, 2019


Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’idkiisa u horeeyay tan iyo dib u doorashadiisa ku qabtay Magaalada Kismaayo, isagoo uga hadlay arrimo ay ka mid tahay doorashadii Kismaayo, khilaafka dowladda Federaalka, xariggii Wasiirkiisa Amniga oo Ciidamada Booliska ku xireen Garoonka Muqdisho 31 bisha Agosto iyo arrimo kale.

Axmad Madoobe ayaa tilmaamay inaysan Dowladda ku shaqeysan karin Magaalada Muqdisho halkii markii hore si nabad ah la isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Jowhar si nabad ah, wuxuu kalo hadalkiisa ku eedeeyey in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo burburin ku hayo Maamul Goboleedyada halkii ay wax ka qaban laheyd kooxda Al-Shabaab oo canshuur ka qaadeyso Dhismaha waddooyinka iyo dayactirka Garoonka Muqdisho Stadium .. sido kale wuxuu hadalkiisa ku xusay Xarigii  sharci darada Wasiir Janan oo dhawaanta lagu afduubay Mogdisha oo halkaas waxaa ka dilaacay Magafe aan gabaneyn
 ayaa Dowladda ku eedeeyey inay sharci darro ku xirtay Wasiirkaas, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho ka dilaacay Magafe.

Mar uu ka hadlayey xayiraaddii la saaray duulimaayadii Kismaayu ayuu sheegay inay taas keentay in dad jiran iyo kuwa fool ah ay dhibaato ku yeelatay maadaama diyaaradii Dhoobley ka imaan jirtay lasoo marsiiyo Muqdisho isla markaasna ay xeer ilaalinta soo gudbin doonto kiisaskii ay xayiraadaas sababtay.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ugu hanjabay inuu go’aan adag qaadan doono haddii aysan iska badalin dabeecadda uu sheegay inay hadda ku dhaqmeyso oo ah cadaadiska ay ku heyso Maamulkiisa.