Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ololka Hoy Jooji Ha Saloolan Xayndaabka .. ILhaan Cumar Oo Baaq Ka Dhan Ah Netanyahu U Dirtay Shacabka Israiil

Tuesday - September 17, 2019



ILhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ugu baaqday shacabka Isra’il in aysan dib u dooran Ra’isul Wasaaraha talada haya ee Benjamin Netanyahu .

Wareysi ay Ilhan Cumar siisay taleefishinka CBS ayey ugu baaqday shacabka Isra’il in ay ka codeeyaan Ra’isul Wasaaraha Isra’il oo xiligan wajahaya doorasho adag uu uu la galayo siyaasiyiin kasoo horjeeda.

“Waxaan hubaa in shacabka Israa’iil ay samayn doonaan go’aan kuwii hore ka duwan, waxaanan u malaynayaa in ay fahmi doonaan jiritaankiisa iyo siyaasadihiisa in ay yihiin kuwa is burinaya, kana hor imanaya nabadda,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Ilhan Cumar ayaa sidoo kale su’aal laga weediiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Isra’il ee ahaa in uu deegaameyn doono dhul hor leh ay leeyihiin Falastiin, ayaa sheegtay in dhul kale oo la boobo ay wax u dhimeyso wadahadalada nabada labada dhinax

Gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay kana tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka Ilhan Cumar ayaa si cad uga soo horjeeda hab dhaqanka siyaasadeed ee Ra’isul Wasaaraha maamulka Isra’il , waxa ayna marar badan hawada u marisay dhaleeceyn xoogan.