Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Itoobiya Oo No Weyn Saartay Qorshaha Dawlada Masar Ay La Timid Ee La Xariira Biyo- Xireenka Wabiga Nile

Thursday - September 19, 2019



Itoobiya ayaa ku gacan sayrtay qorshaha dowladda Masar ee qaabka uu u shaqeynayo biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso Webiga Nile gaar ahaan xadka Suudaan, waxnaa uu Wasiiraka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele sheegay in Masar ay dooneyso ka faa’iideysiga biyo xireenka taasina aysan aqbali doonin.

Qorshaha Masar ayaa ah in biyoxidhaanka aanloo isticmaalin in la buux-dhaafiyo, si ay fursad ugu hesho biyaha ay nolosheedu ku tiirsan tahay, halka ay Itoobiya kaga adkaysanayso in ay biyaha si buuxda u qaato si ay koronto uga dhalisa sanadka 2020 marka uu dhamaadka yahay

“Waxaa uu qorshaheenu yahay in biyo xireenka aan buuxinno xilli roobaadka soo socda, waxaan bilaabeynaa in aan ka dhalinno korontada bisha Diseembar ee sannadka 2020-ka” ayuu yiri wasiirka biyaha ee Itoobiya.