Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Farmaajo Iyo Kheyre Oo Hadda U Soo Caga-dhigtay Xumaan In Lays Taabsiyo .. Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh: Ciirsi Waa Qori

Sunday - September 22, 2019



Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta loo diiday inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa saarnaa diyaarad ku socota magaalada Kismaayo, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay halkaas ka duusho, sababo aan la shaacin .. Sida xogta lagu helay, wafdiga Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ayaa waxay doonayeen inay ka qayb galaan munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kadib saacado ay garoonka ku xanib-naayeen, ayaa Shariif iyo xubnihii la socday waxay isaga laabteen guryahooda, waana markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed sidan loo bah-dilo, waxaana la sheegay in dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay xayiraad cusub oo dheeraad ah, taas oo ku saabsan duulimaadka Kismaayo.

Dhinaca kale Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hay’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Ma cadda in Xasan Shiikh Maxaxamuud oo isagana ku tala jira inu kismaayo aado uu saameeyey amarkan laakiin waxaa u aad uga xumaaday celinta lagu sameeyey Shiikh Shariif, waxaa kalo la sheegay in beesha Abgaal ee gobolka Banadir ku sugan ay falkaas dhacay aad uga guuxeen, isla markaana ku baaqayaan in xumaha la taabsiyo farmaajo iyo kheyre oo ciirsigu noqdo Qori caaradiis