Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Arin Kale Ma Yaalee Allaw Sahal Amuuraha .. Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Weerarkii Iyo ibtiladi Ay Ka Abuureen Ceel-Saliini Ee Shabeelada Hoose

Monday - September 23, 2019



Xafiiska Warfaafinta Al-Shabaab ayaa baahiyey sawirada weerarkii xoogganaa ee shalay aroornimadii hore lagu qaaday xerada ciidanka dowladu ku leeyihiin degaanka Ceel-saliini oo ku yaalla duleedka Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Sawirada ayaa muuqaal dhab ah ka bixinaya dagaalkii aroornimo ee lagu qaaday saldhigga iyo khasaaraha ciidamada DF lagu gaarsiiyay weerarkaasi.

Waxaa muuqaallada lagu daawan karaa meydad daadsan gudaha xerada, gaadiid dhowr ah oo ay qaateen muhaligiinta Al-Shabaab iyo askar nolosha lagu qabtay oo iyagoo maxaabiis ah la soo bandhigay.

Al-Shabaab ayaa sawirada ku muujiyey gaadiidkii ay ka furteen ciidamada Dowlada, dhagar-qabayaasha ayaa sidoo kale horey u qaatay hub iyo saanad fara badan oo ay lahaayeen ciidanku degenaa xeradaas.


Sawirada ay soo bandhigtay Al-shabaab waxaa ku jiray meydadka askar jirkoodu go go’ay iyo kuwa si foolxun u dhintay oo ka cudur daaraneyno inaan idiin soo gudbin karin.

Saraakiisha Xoogga dalka ayaa horey u sheegay iney iska caabiyeen weerarkan, isla markaana khasaare xoogan gaarsiiyeen shabaabkii soo weeraray.