Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 8 May 2024

Ruuxi Aan Taariikhda Islaamka Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin Oo Loo ilaasho Qaabka Xoolaha Loo Raaco .. Sidee Bu Ku Soo Islaamay Xamsa Binu Cabdi-Mudalib Sideese Ku Geeriyooday

Saturday - September 28, 2019



Xamsa binu Cabdi-Mudalib .. Waxay ahayd, maalin u qaatay Gamuunkiisa iyo qaansadiisa oo ugaarsi u baxay, hasa ahaate intu maqnaa ayaa alla doori Abu-Jahal intu xuduudi akhlaaqda dhan walba uga talaabay ayuu aflagaado iyo cay ku miisay Nabi Maxamed SCW 

Markuu Xamsa soo laabtay ayaa arrintii loo sheegay oo lagu yiri: haddaad arki lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd waad yaabi lahayd .. Xamsa markii arrintii loo sheegay ayuu inta xanaaqay yiri: Bal isu kaayo eega aniga iyo kan cidla ka weeraray wiilka aan adeerka u ahay, waa balan inaan Abu-jahal cashar wacan u dhigo, markaasu dhaqaaqay isagoo qaansadiisii iyo gamuunkiisii wata, wuxuuna tegay xarunta Kacbada oo ay fadhiyaan Abii-jahal iyo rag kale oo qureysh ah, markaasuu si xun caay uga dhargiyey Abii-jahal, markaas baa kuwi dhinaciisa fadhidey xaga Xamsa u soo yaacay si ay u wax-yeelleeyaan.

Ala-doori Abii-jahal oo si u argagaxsan ayaa hadlay oo yiri: iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii uu adeerka u ahaa dhib u geystaye .. sababta Abii-jahal sidaa u yeelayey ay ahayd baqid uu ka baqayey in Xamsa islaamo ama ay arrintu gaarto heer laboa qabiil loo kala safto.

Laakiin Xamsa oo xanaaqsan ayaa markiiba hadlay oo yiri “Wiilkaan adeerka u ahaa baad dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay” sidaas ayuu Xamsa ku islaamay.

Xamsa binu Cabdi-mudhilib wuxuu ahaa Saxaabi geesi ah oo gaalada ad u hoojiyey, kuna shahiiday dagaalki Al-uuxud .. Waxaa gamuun ku dilay nin la oran jiray Waxshi Binu Xarbi kadib marki loo balan qaaday haddu Xamsa Dilo in adoonimada laga xoreyn-dono .. Waxshi Bin Xarbi leebkiisi u si daayey ayuu Xamsa ku miyir beelay kadibna geeriyooday .. Waxshigi qoladi soo adeegsatay wey xoreeyeen 

Ugu dambayntii gadaal ayuu Waxshi ka islaamay, wuxuuna ka qayb qaatay jihaadyo badan, wuxuuna diley ninkii nabi-nimada sheegtey ee Rasuulku SCW u bixiyey Musaylamatul-kadaab ( Museylamihi Beenlooga ahaa)