Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gorgorka Butin Ee Laafyoonaya .. Oo Yiri: Mareyknka Cadeyn Uma Hayo In Iraan Ka Dambeysay Weerakii Sacuudiga

Thursday - October 3, 2019




Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in aysan jirin cadeyn muujineysa in Iiraan ay ka danbeyso weerarkii lagu qaaday ilaha Shidaalka Sacuudiga.

Mr Putin ayaa dhanka kale tilmaamay in Mareykanka uusan soo bandhigin cadeyn muujineysa sheegashada Mareykanka .. Butin Isaga oo ka hadlayay shir looga hadlayay dhanka tamarta oo ka dhacay magaalada Moscow ayuu sheegay in uu canbaareynayo weerarka, balse uu ka soo horjeedo in Iiraan lagu dhaleeceeyo cadeyn la’aan.

Vladamir Putin ayaa dhanka kale tilmaamay in uu si shaqsi ah ula hadlay dowlada madaxweyne Xasan Ruuxaani una sheegay in Iiraan aysan ku lug laheyn weerarkan.

Bishii hore ee September 14-keedii ayay aheyd markii duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu weeraray laba warshad oo ay leedahay shirkada shidaalka Sacuudiga ee Aramco.

Mas,uuliyada weerarkaan ayaa waxaa dhabarka u ritay dagaalyahanada xuutiyiinta Yemen, inkasta oo Sacuudiga uu sheegay in jihada dhanka waqooyi looga soo qaaday Weerarkan.