Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ma Naxe Amiir Maxamed Bin Salman Aan Xeer Qabta Jirin Oo Markaan Lagu Khasbay Xabad Joojinta Yaman

Saturday - October 5, 2019



Sacuudi Carabiya ayaa qarka u saaran inuu aqbalo xabad joojin ay soo jeediyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, taasi oo haddii ay dhaqan gasho xoojin karta dadaallada ay waddo QM ee lagu soo geba-gebeynayo dagaalka Yemen ee burburiyey sumcaddii Riyadh.

Xuutiyiinta ayaa laba toddobaad ka hor ballan-qaaday inay joojinayaan gantaallada ay ku ridaan Sacuudiga, haddii isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen ay sidaas oo kale sameeyaan.

Ma jirin wax aqbalaad ama diidmo ah oo Sacuudiga kaso yeeray. Hase yeeshee, Riyadh ayaa toddobaadkan soo dhoweysay yabooha, waxaana saddex diblomaasi iyo laba il-wareed oo kale ay sheegeen in Sacuudiga ay ka fakarayaan inay aqbalaan xabad-joojinta.

Ilo-wareedyadan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymihii Sacuudiga ay la beegsan jireen dhulka Xuutiyiinta ay aad hoos ugu dhaceen, islamarkaana ay jiraan sababo rajo wanaagsan looga qabo in dhowaan heshiis la gaari doono.



Wasiir ku-xigeenka difaaca Sacuudiga Amir Khalid Bin Salman ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in boqortooyada ay yabooha xabad-joojinta Sacuudiga u aragto arrin wanaagsan, isaga oo xoojiyey hadal noocaas oo kale ah oo ka soo yeeray Maxamed Bin Salmaan, oo ah ninka sida rasmiga ah u maamula Sacuudiga.

“ Yabooha Xuutiyiinta waa tallaabo wanaagsan oo horey u riixeysa wada-hadallo siyaasadeed oo dhab ah .. Maanta diyaar ayaan u nahay dhammaan hindisooyinka xal siyaasadeed loogu helayo Yemen. Waxaan rajeeneynaa inay sidaas dhacdo” ayuu Maxamed Bin Salman yiri