Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Talaabo Sahlan Oo Aad Kor Ugu Qaadi-kartid Caafimaad-kaaga ..Waa Biyo Qandac Ah Oo Subaxi Intaadan Quraacan Aad Ka Cabto 4 Koob

Sunday - October 6, 2019

 

Biyaha qandaca oo subaxii hore 4 koob laga cabo quraacda ka hor loona u dhaxeysiyo 45 daqiiqo, waxay dheefshiidka ka nadiifiyaan Waskahda, una diyaariyaan in quraacda ay si habsami la' u shiidanto .. waxay kalo Biyaha qandaca caawiyaan Mindhicirrada si ay saxarada u soo baxdo, oo sidaas ayay ku yareeyaan calool adeegga, sido kale Biyahaas waxay daawo run ah u tahay Sokorta, kansarka, dhiig-kaka iyo wadno xanuunka

 Biyaha qandaca oo la cabo waxay yareeyaan madax xanuunka iyo xanuunka dumarka ay dareemaan xilliga caadada, sababtuna waa in biyaha qandaca ah ay xididada maqaarka soo aadayo ay waasiciyaan, taasina waxay dabcisaa murqaha kogsan ee madaxa iyo dahbarka.

Biyaha qandaca ah waxay xakameeyaan culeeska qofka inkastoo isbadal dhakhso ah aanan lagu helin, laakiin waxay cilmi-baarayaashu sheegaan haddii lagu darsado liinta in ay kordhinayso fursada in miisaanku yaraado.

Waxaa kalo cilmi-baarayaasha cadeyeen in Biyaha qandaca oo la cabo ay firfir-cooni u yeelaan wareega dhigga, waana arrin muhiim u ah caafimaadka jirka, sido kale Biyahaas waxay kordhiyaan dhaldhalaalka timaha, waxayna ka hortagaan agoolka.

Sida cilmi-baaristu sheegtay Biyaha qandaca oo la cabo waxay isbadal ku sameeyaan unugyada maqaarka, waxayna yareeyaan nabraha iyo findoobka wajiga ka soo baxo, isla markaa waxay daawo u tahay cabburka sanka iyo dhuunta waxaa logoa hortagaa in subax kasta la cabo biyo qandac ah, weliba markii lagu darsado liin dhanaanta ayay faa'idadu badan tahay.

dhinaca kale dadka badanaa dhib kala kulma inay dhakhso hurdo ku helaan waxaa lagula taliyaa inay biyo qandac ah cabaan cashada ka dib si ay hurdo u helaan.

biyaha markii la kululeeyo oo la qandiciyo waxaa yaraanayso fursada in jeermis aad biyaha ka qaadid maxaa yeelay kululeynta waxay jeermiska ka dishaa biyaha.

Talooyin:
Iska ilaali in aad cabtid biyo aad u kulul maxaayeelay dhuunta yo jidiinka uma roono, laakiin waad qandacsan kartaa .. Haddiise aad u cabtid in miisaan iskaga ridid, ku dadaal in aad jimicsi ku dartid si faa'idadu u badato .. Si faa'idooyinka sare u bataan, waxaa lagu taliyaa in biyaha kulul lagu darsado liin dhanaan aan sokor lahayn.