Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Madaxweyne Aan Miyir Qabin Talo Lahayen Bey Meesha Keeneen .. Trump Naceybka Uu U Qabo Qaxootiga Somalida Oo La Shaaciyey

Tuesday - October 8, 2019


 
Bogga intarneedka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen
weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida madaxweyne Trump uu u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya .. Sida lagu sheegay qoraalkaasi CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunka madaxweyne Trump ayaa madaxweynuhu wuxuu Elaine Duke oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha amaanka gudaha weydiiyay sababta ay u mamnuuci la'dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya

Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay "Colaadda Xudduudda", waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.

Dhammaadkii bishii Janaayo ee sanadkii 2017 ayuu madaxweyne Trump xayiraad ku soo rogay ajaaniibta ka imaanaya sideed waddan oo ay Soomaaliya ku jirto, ka dib amar madaxweyne oo uu soo saaray.

 Sida lagu xusay buuggaasi, "madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxa ayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kastaa oo ay doonayaan in ay muujuyaan halista dadka qaxootig ahi ay u keeni karaan Mareykanka.

CNN ayaa iibsatay nuqul ka mid ah buuggaasi loogu magac daray "Colaadda Xudduudda" oo ay qoreen Julie Hirschfeld Davis iyo Michael D. Shear oo ka wada tirsan wargeyska The New York Times ka hor inta aanan rasmiyan la daabacin.

 Bishii Oktoobar ee sanadkii 2017, usbuucyo ka dib markii madaxweyne Trump uu arrinta Soomaalida kala hadlay Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd ku simaha xoghayaha arrimaha ammaanka ayaa waxaa mar labaad Elaine Duke la soo xiriiray Stephen Miller oo arrimaha siyaasadda kala taliya Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, waxa uuna ku adkeystay in la joojiyo qaxootiga ka imaanaya 11 waddan oo halis ku ah Mareykanka, gaar ahanna Soomaaliya, balse Duke ayaa arrintaasi ku gacanseyrtay, sida lagu sheegay buuggaasi .. Aqalka Cad ayaanan arrintaasi wali wax war ah ka soo saarin.