Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Jubaland Iyo Jabnti Gaalo-Madow

Wednesday - October 9, 2019



Sanadku marku ahaa 1840 illa 1865 Qowmiyadda Gaalaa oo ka koobneyd Oromada Iyo Wardey Gabraha ayaa boqolaal sanadood xilligaa ka hor dhulka Jubbaland qabsatay kadib marki ay Soomaalida u xoog-sheegteen .. Soomaalida oo aad loo laayey ayey dhulkaas ka carareen oo qoomiyadi Gaalada ay sidaas boqolaal sanadood dhulki ku hantiday oo ay aamineen inaann maalina lagula murmi-karin
 
Ogaadeenka waxay soo gaareen gobolka Jubaland ila ay isku fidiyeen NFD, waxayna ka adkaadeen qowmiyadda Gaalaa ee halkaa daganeyd .. Sida u xusay qoraaga ingiriiska ee la yiraah Turnbull wuxuu sheeay: Ogaadeenka laba raac ayey dhulka ku yimaadeen .. Raaci koowaad oo dhanka Itoobiya ka yimid ahaana xoolo-dhaqato, waxey Jubaland yimaadeen sanadku markuu ahaa 1800. Waxana soo dhaweeyey qabiilka Raxanweyn oo xilligaa daggana Gobolka Gedo daantiisa sare ee xigta Gobolka Baay ee maanta .. Raaci dambe waxey soo gaareen halkaa sanadkii 1835. Raaca dambe sida la sheegay waxaa hoggaaminayey ciidan ka koobnaa 400 oo dagaal-yahan siduu sheega Turnbull dhanka Gobolka Mudug ayeyna ka tageen oo ka soo hayaameen waagaas.

Markey halkaa gaareen, Ogaadeenka iyo Raxanweynta ayaa dagaallamay waxaana dagaalkaas lagu jabiyey Ogaadeenka oo dhanka Qowmiyadda Gaalaa ee Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose u baqday. Waxaana jirtay mar ay Ogaadeenka magan u ahaayeen Qowmiyadda Gaalaa oo ay ku daba-feyleen. 
Laakiin, sida uu xuso qoraaga  I.N.Dracapoli, qabiilka Cawl-yahanka ee Ogaadeen ayaa Raxanweynta weerar adag ku qaaday oo ay Gedo ku dagaallameen .. Dagaallo laysku hoobtay ka dib, qabiilka Biyamaal oo xilligaa daganaa nawaaxiga xeebaha Banaadir, ayey Raxanweyn qeyla-dhaan u dirsatay. 

Waxaana dagaallamay Cawl-yahan oo dhan ah iyo Raxanweyn iyo Biyamaal oo wadajir ah .. Cawl-yahan ayaa halkaa looga adkaaday oo dhaawac culus la gaarsiiyey. Jabkaa ka dib, Cawl-yahanka Raxanweynta ayey magan u noqdeen ayuu yiri I.N. Dracapoli .. Sanaddo ka dib oo ay Cawl-yahanku dib isu abaabuleen Raxanweyn ayey markale foodda is galiyeen .. Markan Raxanweyn ayaa kabaha lala dulmaray oo daannadi ay hore Cawl-yahanka ugu geysatay mid bara-dheer la gaarsiiyey Gedona looga adkaadday ayuu leeyahay qoraagaas.

Sanadki 1865, oo ay Ogaadeenka weerarro is dabajoog ah ku hayeen Gaalaa oo dhanka galbeed u baqanayey .. markay marayeen magaalada Afmadow, ayuu cudur cluus oo safmar ah helay .. Qowmiyadda Gaalaa waxey aamineen inuu cudurkaas uga yimid Soomaali soo-galooti aheyd oo halkaas markaa timid .. Ogaadeenka oo fursaddaa ka faaiideystay ayaa Gaalaa weerar culus ku fidiyey waxaana la xalahaleystay baxsadki Oramada oo laga tallaabiyey wabiga Taana ee mara magaalada Gaaris oo ay marki ugu horreeyey Ogaadeenka gaareen ayagoo weerar la dabajooga qowmiyaddaas oo in yar oo ka badbaadday xanuunki iyo weeraradi naxariis-darada ahaa ee Ogaadeen nafta la beegsaday meel-kastoo ay lafahooda kula bacsan karayeen.

Mid ka mid ahaa saraakiishi Ingiriiska wuxuu sheegayaa, haddaan Ogaadeenka laga dhicin dadki cawaanka ahaa ee ay Jubaland ka barakiciyeen in ay sidoo kale halaagi lahaayeen Baantuuda maanta Kenya daggan. Wuxuu leeyahay, “Ogaadeenka oo ah dad muran badan, qallafsan oon sahal lagu gumeysan karin, waxey halaageen kumanaan qowmiyadda Gaala ah, qaarna wey adoonsadeen oo waxey ka iibiyeen Carabta, halka ay qaar ka dhigteen qowsaaro ay ayaga leeyihiin oo xoolaha u raaca.”

Qoraayaashan shisheeye ayaa sheegaan in ay Ingiriisku badbaadiyeen 7 qoys oo Gaalaa ahaa oo ka haray dad kumanaan ah oo Gaalaa ahaa oo uu Ogaadeenka halaagay.

 Qoraaga wuxu yiri, “Dhulka Xeebta Laama iyo ka shishe ilaa nawaaxiga Meeru ayey Ogaadeenka gaareen oo uu Inigiriiska ka soo celiyey .. Dhanka Gedo waxaa Gaaladi baqaneysay ka oofwareemay Marrexaan dhanka Itoobiya ka soo guuray iyo Garre ku diirsaday jabka uu Ogaadeenka Gaarsiiyey Gaala-madow, balse Garre iyo Marreexaan weerarrada fog kama aysan qeyb-galin ee waxaa loo fagaareeyey Ogaadeen iyo Gaala-madow oo si insaaniyadda ka baxsan loo laayey .. Ogaadeenka marna ma aysan xeerin abaalki Qoomiyada Gaalaa ay u gashay markey kal-hore ay Raxanweynta soo jabisay ayuu leeyahay qoraagan qalaad.

Dhulka u dhaw Laamu iyo xeebaha Maliindi ee ay Ogaadeenka ka kiciyeen Gaalada, iney dagaan ayey damceen balse dulanka qaniinka Gandiga ayey uga soo laabteen ka dib marki ay sumadda xoolahooda ku dhigeen geedaha deegaanadaas ay qabteen.