Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Allow Awoodaada Nagu Arsaaq .. Qiiso Ka Dhacady Dalka Masar Oo Laga Akhriyey Wargeyska Al Jamhuuriya

Friday - October 11, 2019



Waxaa jiri jirtay Gabar yar oo Agoon ah oo hooyadeed ay ahayd cidda keliya ee adduunka u joogta, waxeyna u dhalatay dalka Masar, dabeed Gabadhii waxaa guursaday Nin ina adeerkeed ah. Balse wuxuu ku noqday Nin aad u xun oo Dulmi badan u geystay, isaga iyo ehelkiisaba aad ayey u xumeeyeen Gabadhii, waxeyna ula dhaqmeen sida adeegto iyaga u shaqeysa, waxaana intaa u dheeraa aflagaado iyo gacan ka hadal badan.

Gabadhani marka ay dareento in dulqaadkii iyo adkaysigii uu ka dhammaanayaba waxey tegi jirtay halka ay adduunyada ugu jeclayd oo ahayd guriga hooyadeed, waxeyna ku seexan jirtay dhabta hooyadeed, si ay maalintaa ugu soo nafisto, Naftana u tusto in ay jirto cid ay agteeda qiimo ku leedahay. Hooyadeed oo taag darrada Da’da ay u raacday xanuunka dayaca ku helay waxey arkaysay in aanu u furnayn jid kale oo aan ahayn in ay Gabadheedu ku waaniso in ay gurigeeda iska heysato Alle dartiisana ugu samirto ninkeeda.

Toban sano oo xaalku sidaa ahaa ka dib, Hooyadii wey geeriyootay, Gabadhiina waxaa u dhacay gabbal oo waxey weysay xitaa halkii ay ku Nafisi jirtay ee calool Xumada ka buuxda uga caban jirtay, balse waxaa dhacday in Hooyadan oo ahayd qof cibaado badan ay Gabadheeda u sii dardaarantay arrin cajiib ah, waxeyna ku tiri:- ((Hooyo haddii adduunyadu kugu ciriiri noqoto oo aad weydo cid aad u Cabato, Qolkaygan kaalay oo sijaayadeydaas ama saligeygaas ku tuko, oo Alle halkaas ku bari, isagana u cabo)). 
Sidii ayeyna Gabadhii yeeshay oo toddobaad kasta hal maalin ayaa inta ay qaadato caagad biyo ah oo weyso iyo cabbitaan ay ka dhigato, ay tegi jirtay qolkii cidlada ahaa ee Hooyadeed ka dhimatay oo ku soo ducaysan jirtay.

War xumo tashiil iyo Ruux wanaaga dadka ka naxaa abidkiisa wuu jirayee markiiba Dad ayaa u soo waramay ninkii oo weydiiyey sababta xaaskiisu ay toddobaad kasta mar u baxdo iyada oo biyo sidata, in badan ka dibna soo noqoto iyada oo sidata caagaddii oo maran oo Ebar ah, Isna ma hubsade ayuu noqday oo markiiba waxaa galay tuhun iyo hinaase ama maseyr aan meeshaba oolin .. markuu dabagalayna wuxuu soo ogaaday in ay tagto qolkii Hooyadeed, sidaa awgeed si uu u ogaado cidda uu is leeyahay gudaha qolka ayaa ku jirto ama ugu timaado ayuu Maalinkii dambe qolkii goor hore yimid oo meel ka mid ah isku Qariyey isaga oo sugaaya xaaskiisa iyo ninka uu is leeyahay wuu u iman doonaa.

Gabadhii qolkii ayey timid oo inta ay weyso qaadatay Biyihii u harayna agteeda dhigtay ayaa ay sijaayad duug ah la soo baxday oo ay salaad ku tukatay. ka dib waxey akhrisay Duco dheer oo iyada oo ilmayneysa ay Alle uga cabaneyso culayska uu ninkeeu ku haayo, balse sheegeysa iney jeceshahay oo ay Alle SW, ka Baryeyso inuu u soo Hadeeyo.

Ninkii oo aan ka dheerayn, aadna uga damqaday cabashada tirada badan ee uu ogyahay iney run tahay ee ay xaaskiisu Alle la hor tagtay iyo haddana wanaagga ay ugu Ducayneyso ayaa isaga oo ilmeynaaya markey salaaddii iyo Ducadii dhameesatay isku duubay oo Madaxa iyo Lugaha ka dhunkaday, oo uu cafisna weydiistay, wacadna ku maray in aanu dib ugu noqon doonin wixii hore u dhacay.

Maalinkaas sidii ay isugu ul Ooyayeen ayuu gabbalka ugu dhacay, waxeyna Go’aansadeen in ay qolkan Karaameysan ee Alle isugu hadeeyey u Hoydaan. waxaase dhacday Arrin kale oo Dareenka taabaneysa, taasoo aheyd: waxey Gabadhii ku Riyootay, Qof aanay Arkayn oo inta uu u yimid ku leh, ((Toban sano ayaa aad u Cabaneysay Dadka Qofkii kuugu dhowaa, waxbase kuuma tarin. Bil keliyana waxaad u Cabatay Ilaahey, SW, markaasuu Xaalkaagii oo dhan Beddelay)