Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Balaayo Geeri Aan Ku Dhaweyn Beerka Soo Gasho .. Atoorihi Baadiye Cigaal Shidaad Ee Aan Hadalka Marinkiisa Ka Habaabin

Monday - October 14, 2019


Cigaal Shiidaad, waxa uu ahaa nin xigmad badan hasa ahaate fulaynimo lagu xanto, laakiin wuxuu ahaa fulaynimo xigmadi ku jirto oo ilaa hada soomalidu way isticmaashaa hadaldiisii iyo maah-maahihiisii, waxaana sheekooyinkiisa ka mid ahaa:

Cigaal oo degan meel miyi ah oo magaalada u dhow ayaa goor barqo u socdaalay magaalada wuxuuna qaatay UL iyo Wayso markii salaadii duhuhurki la gaaray ayuu is dhigay ushiina dhinaca midig dhigtay markuu Waysadii is yiri bilow ayuu waysadii mooday Bahal intuu ushii si degdeg ah u qaatay ayuu Waysadii ku dhuftay oo yiri: way na garanaysaa oo nagaadaysaa oo hadana yiri: Najis-Najis dhalay wey i garan weyna i gaadin .. markale isagoo la joogay Ari ahaydna waqti ariga geedaha harsado, ayaa Ri' ka mida arigaas oo hortiisa fadhida ayuu cagaha wax ka dayey

Cigaal ayaa maalin asagoo gurigiisa joogo loo sheegay inay Col u soo socdaan markaasuu xaaskiisii ku yiri: naayaahee Raarka ayaan isku duudubayaaye igu dul ooy .. markeey u yimaadaan iyadoo ku dul ooneeysa bey ku yiraahdeen maxaa kugu dhacay oo aad la ooyneysa, uma ay jawaabin balse iyadoo oohintii sii wadata ayuu cigaal Raarki ka dhex yiri: Naa Shaluu go'ay deh. Markaas ayay colkii xagiisa u dhaqaaqeen inay dilaan, laakiin wey iska laabteen iyago is yiri: kan dabaal waaye ee maxaa ka dilaynaa 

Waa cigaal oo meel gurigiisa udhow jooga goor barqo ah, waxaa kusoo facleeyey naylo ama ubad badan si xoog lehna ugu yaacaya dhinicii guriga, haddee Cigaal saad ku taaqaaniinba ma aha nacas ay taladu ka hoos baxdee, waxuu is-yiri alaylehe balada kuwaan dabada kawada yay ku haleeline ka gaarsii oo baxso, markaasuu Naylihii hor cararay asagoo tafta haysta oo si xoog leh u neeftuuraya, waxaa arkay dadkii guriga joogay oo fahmay inaay maanta Cigaal maalintiisii tahay ayaa su'aashaan waydiiyay, "war maxaa kugu dhacay Cigaal?", wayna ku qosleen, Haddee ma Cigaalbay ka gar helin? waa nin aftahan ah oo sida la isu furdaansho ku soo takhasusay, waxuuna ku jawaabay. "war kuwaas madaxa madow waxay kasoo dideen baan ka soo diday". Asagoo tilmaamaya inuusan talada baqashada uusan kali ku ahayne ee uu la wadaago kun Naylood oo ayaguba isku raacay in gurigii la qabto intaan ladaba goosan.

Sheekadii cigaal waxaa ka mid ahayed:War armay nagu daraan inkaar qabaha 

Wiil uu Cigaal shidaad adeer u yahay ayaa ladilay markasaa waxaa ay dhaheen tolkisii aanu ka soo aarsano oo usoo aarno willkenii. Cigaal shidaad ayaa loo sheegay inay ragu ku tala galeen inay usoo araan wiilkii uu adeerka u ahaa markasuu cigaal wuxuu isleeyahay isagoo isla hadlaya, " war inkaar qabaha amay nagu daraan anagana" sidii baa dagaal loogu diyaar garoobay.

Cigaal wuxuu ahaa ninka raga ugu geesisan sida sheekada ka muuqata, raga geesiyada ahna fardaha kuwa ugu dhereeya ayaa lasiin jiray.

waxaa dhacday in cigaal faras dhereeya lasiiyo. waxaa dhacday faraskii inuu dadkii oo dhan kala dhexbaxo cigaal oo saaran ileen fardaha oo dhan ayuu ka dhereyaa. cabaar markuu ka hormaray dadkii oo dhan ayuu Cigaal shidaad is yiri " war balaayadu amuu col iila galaa dhereyaa" .. hal mar buu iska tuuray faraskii oo gurigii dib oogu soo laabtay.

dadkii ayaa wareestay oo yiri " War Cigaal maxaa dhacay soo taad dagaalki ka qayb gashay ma ahan?Cigaal wuxuu ku jawaabay: waa lay-isku baa ba'ay oo faraskaygii waa dhintay oo Waran baa caloosha ka soo riday .. sheekadii isagoo wada ayaa faraskii soo ciyay oo guriga gasadiisa soo istaagay, markasay dadkii dhaheen faraskii Cigaal shidaad waa kanaa. intu Cigaal isla hadlay ayuu yiri "sharafta alla kaa qaad, muu sugo intaan hadalka dhameenayo"